Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxgaradka Degmada Taleex Oo Sheegtay Inay Si Buuxda Uga Qeyb Qaadanayaan wada hadalada Nabadda

Hargeysa(maantaSomaliland.)- Odayaasha iyo waxgaradka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa shir ay ku yeesheen magaaladaasi ka dib waxay soo saareen bayaan ay ku shaaciyeen inay ka qeyb galayaan wada hadalada nabadda ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag-bari.
Waxa kale oo ay odayaasha iyo waxgaradka Taleex shirkaasi ka soo saareen baaq qeylo dhaan abaareed ah oo ay xukuumadda Somaliland iyo Ha’yadaha Caalamiga ah ka dalbadeen inay gurmad deg deg ah gaadhsiiso dadka abbaaraysan ee ku dhaqan tuulooyinka degmadaasi.
“Waxgaradka, odayaasha iyo Bulshada degmada Taleex shir ay maalmihii la soo dhaafay ku yeesheen magaaladan waxaanu ka soo saaray laba qodob oo midna la xidhiidho dhinaca Nabadgelyada midna la xidhiidho Abbaaraha ba’an ee ka jira Degmada Taleex iyo Gobolka Soolba,”ayuu yidhi Ismaacii Maxamed Cabdi, oo ka mid ah odayaasha shirkaasi ka qeyb galay.
“Haddii aanu nahay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Taleex waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qeyb galo baaqa nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland soo jeediyay, waxgarad iyo bulshaba waanu isku raacsan nahay inaanu wada hadalada nabadda ka qeyb qaadano,”ayuu yidhi Ismaaciil Maxamed Cabdi, oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC-da.
Ismaaciil Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo Ha’yadaha caalamiga ahba ka dalbanayaan inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada Taleex, oo uu tilmaamay inay ka jirto duruuf adagi.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray inaanay wax gurmad ahi soo gaadhin illaa imika dadweynaha abaaruhu saameeyeen ee ku nool tuulooyinka degmada Xudun.
Oday Ismaaciil waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay degmdaasi oo uu tilmaamay inay wada shaqayn wanaagsani ka dhaxeyso oo ay dadweynaha taageeraan.
xuseen xarbi
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com