Badhasaabka Badhan oo Beeniyay In Gobolkaasi ka Baxay Gacanta Somaliland
Hargeysa (maantaSomaliland)- Badhasaabka Gobolka Badhan C/Xakiin Axmed Maxamuud, ayaa beeniyay warar sheegayay in Gobolka Badhan uu ka baxay gacanta Somaliland oo ay qabsatay Puntland.
“Waxaan Beeninayaa war ku soo baxay Khamiistii Wargeyska Waaheen oo sheegayay in Gobolka Badhan uu u gacan galay Maamul goboleedka Puntland oo uu ka baxay faraha Somaliland. Arrintaasi waxba kama jiraan. Waxaan ummadda u caddaynayaa inaanay waxba ka jirin warkaasi waxaanan u arkaa inay gef ku tahay gobolka Badhan,”ayuu yidhi C/Xakiim Axmed Maxamuud, oo caawa kala soo xidhiidhay Shabakada wararka ee maanta Somaliland isagoo jooga Degmada Hataaftimo ee gobolka Badhan.
Badhasaabka Gobolka Badhan waxa kale oo uu sheegay in xaalada nabadgelyo iyo bulsho ee degmooyinka Gobolka Badhan ay wanaagsan tahay marka laga reebo abbaaro kulul iyo biyo la’aan ay kala siman tahay gobolada kale ee Somaliland oo dhan.
“Xaalada Nabadgelyo ee gobolka Badhan aad ayay u wanaagsan tahay waxase ka jirta abbaar ba’an iyo biyo la’aan saamaysay dadka iyo duunyada ee gobolka Badhan waxaana taasi aanu kala siman nahay gobolada kale ee dalka. Waxaan uga mahad celinayaa Xukuumadda Somaliland gurmad biyo dhaamis iyo raashin iskugu jiray oo ay gaadhsiisay degmooyinka gobolkan. Waxay xukuumaddu geysay raashin illaa 1200 oo tan ah. Waxa kale oo soo gaadhay gurmad biyo dhaamis ah,”ayuu yidhi C/Xakiim Axmed Maxamuud.
Badhsaabku waxa uu dhaliilay Ha’yadaha samo-falka ee dalka ku sugan oo uu sheegay inaanay wax gurmad ah ka geysan dhinaca abaaraha ee gobolka.
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in xaalada nabadgelyo ee gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay inkasta oo uu xusay inay jiraan faro-gelino ay ku hayaan maamul goboleedka Puntland
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com