Laba Qof Oo Shaqaale Dawladeed Ah Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo ka Dhacay Tuulada Adhi Caddeeye
Laascaanood (maantaSomaliland.)- Alle ha u naxariistee laba qof ayaa maanta ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka tuullada Adhi caddeeye oo 28 Km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ka dib markii gaadhi Surf ah oo baanka Laascaanood lahaa oo ay wateen kula qalibmay halkaasi.
Waxa shilkaasi ku dhintay Qasnajigii Baanka Laascaanood oo la odhan jiray Cabdilaahi Jaamac Faarax iyo darawalkii gaadhigaasi oo la odhan jiray Saleebaan Cabdi Aadan, waxa kale oo ku dhaawacmay laba qof oo kale.
Labada Marxuum waxay saaka ka soo kicitimeen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer waxaanay u soo kalahayeen shaqada ay ka hayeen baanka Magaalada laascaanood.
Labada Marxuum waxa maanta lagu aasay magaalada Laascaanood, halka labada qof ee kalena lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaaladaasi.
Shilal aad u badan ayaa jidka Burco iyo Laascaanood u dhaxeeya ka dhacay labadii bilood ee la soo dhaafay waxaana halkaasi ku dhintay tobaneeye qof, halka tiro intaasi ka badanina ay ku dhaawacmeen.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland