Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Ku Dhawaaqay Inuu Taageersan Yahay Loolanka Cali Warancade Ugu Jira Muraxshaxnimada Xisbiga UDUB Ee Doorashada Madaxwaynenimo.
Hargeysa (maantasomaliland)- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu taageerayo murashaxnimada uu ku dhawaaaqay siyaasiga Cali Maxamed Warancade.
Suldaanka oo maanta ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Md Cali Maxamed Warancade oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UDUB oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal uu ku soo maray wadamo Bariga Afrika, ayaa sheegay in uu in siyaasagani yahay nin u qalma in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, maadaama oo uu waxqabad la taaban karo oo dhaxalgal ah uu sameeyay wakhtiyadii uu xilalka wasiirnimo ka hayay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray.
Waxa uu Suldaanku sheegay in Mr Warancade yahay masuul lagu aamini karo talada dalka haddii uu ku guulaysto, waxaana uu ugu baaqay beesha uu ka soo jeedo in ay taageeraan murashaxnimada siyaasigan oo wax ka qaban karo mushkiladaha dhaqaale ee dalka ka taagan, waxaana uu yidhi “Anigu sideed sanno ka hor ayaan ku yidhi waar cid ku dhaantaa ma jirtee miyaad istaagtid oo aad is sharaxdid waa lagu dooran lahaaye, laakiin anagu Salaadiin ahaan ma codayn oo xisbiyo ma nihin ee yaan taas la noogu cadhoon, waxaan beeshayda Hawd ugu baqaaya in ay taageeraan Cali Madaxweyne waa ay dooran karaan”
xuseen xarbi
hargaysa