Mudanayaasha Wakiiladda Oo Loo Qaybiyey Qoraal Baanku Ku Codsanayo Ogolaanshaha Inuu Soo Daabaco 5000 Iyo 1000 SL.Sh, Oo Isku Yaala
Hargeys)(maantasomaaliland) – Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta loo qaybiyey qoraal maamulka baanku ku dalbanayaan in loo ogolaado inay soo daabacaan lacag cusub.
Qoraalka maanta loo qaybiyey xildhibaanada golaha wakiilada ayaa baanku ku sheegay inay doonayaan inay soo daabacaan lacag cusub isla-markaana ka duwan tii hore loo isticmaali jiray oo ah 5000 (shan kun oo shilin) oo isku taala iyo 1000 (boqol shilin) oo isku yaala, taas oo loogu tallo-galay in la fududeeyo lacagta Somaliland ee hadda la adeegsado.
Mudanyaasha wakiilada ayaa la filayaa inay maalinta bari ah bilaabaan ka doodida noodhka cusub ee uu doonayo in baanku soo sameeyo.
Shacabka Somaliland ayaa inta badan ka cowda lacagta shilinka dalka oo haddii aad boqol doolar sarifato aad dhib badan kala kulmaysaa, taasina waxa ay keentay in baanku ku fikiro daabacaada lacagtan cusub.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland