Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Warsaxaafadeed Beenin Ah Oo Ay Soo Saareen Xisbiga UCID‏

Ujeeddo: Warsaxaafadeed

Shir ay isugu yimaadeen Guddida Fulina Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) maanta oo ay taariikhdu tahay 26/03/2011waxay soo saareen warsaxaafadeedkan soo socda.

Annagoo tixraacayna war lagu qoray wargeyska Haatuf cadadkiisa 2621 soona baxay 25/03/2011 cinwaankiisuna ahaa khilaaf ka dhex oogan hogaamiyaasha Xisbiga UCID waxaan cadeynaynaa in aan wax khilaaf ihi ka dhexjirin Xisbiga UCID.

Maalinta uu wargeysku ka hadlayana Xisbiga Guddigiisa fulinta ayaa shir lahaa oo ka hadlayey ajendayaal uu ka mid ahaa qabashadii shirka G/Dhexe iyo Shirweynahii oo hore u qorsheysnaa in u dhaco bisha August 2011, haseyeeshee ku soo begmay bil Ramadan ah.

sidaa daraadeedna la isla qaatay in bisha july 25-keeda la qabto shirkii Golaha dhexe waxa kale oo la isla qaatay in Guddiga fulintu cayintu maalinta shirweynaha la qaban doono.

Xisbiga UCID waxa u leeyahay xeer qeexaya in cidkasta oo ka tirsan Xisbiga xaq ay u leedahay inuu u tartamo hogaaminta Xisbiga iyo Musharamnimada Jagada Madaxweynaha. Arrintaasna Xisbigu wuu isku waafaqsanyahay. iIaa imika Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi iyo Mudane Adan Maxamed mire Waqaf ayaa cadeeyey inay musharaxiin u yihiin Gudoomiyanimada Xisbiga .Waxaana la filayaa in qaar kalena isa soo sharaxaan. Xisbiguna uma arko mushkilad oo waxa xaq u siiyey xeerka.

Sidaa daraadeed warkan wargeyska Haatuf qoray ma garanayno meel uu ka keenay waxaan weeyi war aan sal iyo raadtoona lahayn.

Alla Mahad Leh

Md, Muuse Xaaji Maxamed Guuled

Xoghayha Guud ee Xisbiga UCID

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com