Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Beeniyey In M. Cali Samater Reer Ahaan Loo Eryanayo, Sheegayna In Saraakiishii Ciidamada Siyaad Barre Ee La Haybta Ahaa Meesha Ay Joogaanba Fadhiga Looga Kaco.

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Beeniyey In M. Cali Samater Reer Ahaan Loo Eryanayo, Sheegayna In Saraakiishii Ciidamada Siyaad Barre Ee La Haybta Ahaa Meesha Ay Joogaanba Fadhiga Looga Kaco.

Hargeysa (maantasomaliland) –March,26,2011- Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdo, ayaa ka hadlay mudaharaad shalay ka dhacay dalka Maraykanka oo lagu dalbaday in la sii daayo dhiigyo cabkii xasuuqa ka geystay caasimadda Somaliland sanadihii siteetamaadkii, ka dib markii u amray in ciidamada cirka ee dawladii Siyaad Bare duqeeyaan.

Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu beeniyey in Maxamed Cali Samater loo eryanayo reer ahaan, balse uu yahay shakhsi dambi ka galay umadda reer Somaliland, isaga oo xusay inay jiraan rag isaga la hayb ah oo isla-markaana xilal ka soo qabtay dawladii Siyaad Barre balse ilaa hadda umaddu meesha ay ku aragtaba fadhiga uga kacdo.

Guddoomiye Muuse oo maanta u waramay laanta afka Soomaliya ee Idaacada BBC-da ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya mudahaaradka waxa uu yidhi “Mudaharaadkii shalay dhacay maan fahmin haddii uu u jeedo yaan cidna maxkamad ka gaynin oo Cali Samater la eedeynin ilayn cidna may odhan waa dambiile oo maxkamadi may dhicine.”

Md Muuse waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaan ka soo horjeedaa in nina lagu eedeeyo reerkooda haddii uu yar-yahay iyo haddii uu badan yahayba, haddii ay ahayd Cali Samater reernimo ayaa loo eryanayaa kalidiina waa khalad in kalidii la eryado maaha, waxaanan taaganahay waa in Cali Samater in cidii kula jirtayba darajo kasta ha lahaadee waa in eedooda la daba qaado.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cali Samater waa ninkii ugu darajada waynaa dawlada Maxamed Siyaad Barre ee ku xigay, balaayadii Soomaliya ka dhacdayna intii ay talada hayeen ayay xoogeedoo bilaabmay.”

Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay Maxamed Cali Samater inaan reernimo lagu eryanayn “Cali Samater Inaan qof ahaan loo eryanayn waxaan kuugu xaqiijinayaa saraakiishii la haybta ahaa ee uu Farxaan ka mid yah

ay ee uu Xayd ka mid yahay ixtiraam iyo mahadnaq ayaa loo hayaa sidii ay dadka ula macaamileen awgeed oo dhibaato ay geysteen cid uma haysto, ninka Xayd la yidhaahdana dadku meesha ay ku arkaanba fadhiga ayay uga kacaan.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo koobay.

bbc

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com