Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Wakiiladda u Gudbiyay Ansixinta Daabacadda Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shillinka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Wakiiladda u Gudbiyay Ansixinta Daabacadda Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shillinka Somaliland.
Sidaasi darteed, amigoo tix-raacaya qodobka 54aad, faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan …
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta u gudbiyay Golaha Wakiiladda Ansixinta Daabacadda Noodhadhka lacagta ee Kun-ka iyo Shanta Kun ee shillinka Somaliland, taasoo u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: Ansixin daabacaada Noodhadhka Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shillings,
Mudane Guddoomiye, waxa aan halkan idinku soo lifaaqayaa qoraaalada ay summadohooda ka kala yihiin 179 iyo 190, kuna taariikhaysan 12/03/2011 iyo 19/03/2011, ee uu soo gudbiyay Guddoomiyaha Baanka Dhexe, kuwaasi oo uu ku codsanayo in la ansixiyo daabacaada lacagta Somaliland ee noodadka cusub ee kun-ka iyo shanta kun ee Shillings (SL.SH.1000 iyo 5000).
Sidaasi darteed, amigoo tix-raacaya qodobka 54aad, faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan idinka codsanayaa in aad ka gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.
Allah Mahad Leh,
Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialand