Ciidamaddii Somaliland Ee Ku Sugnaa Goobihii Deegaanka Kalshaale Ee Dagaaladu Ka Dhaceen Oo Dib Loogu Soo Celiyay Fadhiisimadii Dagaalka Hor.
Ciidamaddii Somaliland Ee Ku Sugnaa Goobihii Deegaanka Kalshaale Ee Dagaaladu Ka Dhaceen Oo Dib Loogu Soo Celiyay Fadhiisimadii Dagaalka Hor.
Kalshaale ) (maantasomalilamd)Mar. 26, 2011- Ciimada Somaliland ee difaaca kaga jira jiida Kalshaale, ayaa dib loogu soo celiyay fadhiisimooyinkoodii hore ee ay deganaayeen intii aanu dhicin dagaalkii Kalshaale.
Soo bixitaanka ciidamada milateriga Somaliland, ayaa ka dambayasay heshiis sida la sheegay ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo waxgaradka beesha Buhoodle, kaas oo ay shuruud uga dhigeen bilowga wada hadal nabadeed oo dhex mara labada dhinac, taasoo hogaanka dhaqanka ee Buhoodle ay soo jeediyeen inta aan la gudo galin wada hadald laga raro ciidamada Somaliland dhulkii lagu dagaalamay ee murankuna ka taagnaa.
Wararka naga soo gaadhaya deegaanadaas, ayaa shaaca ka qaadaya in ciidanka qaranku uu si tartiib-tartiib ah uga soo baxayo fadhiisimooyinkii ay ka samaysteen jidaas markii uu socday dagaalku, iyaga oo ka taxadiraya weeraro gaadmo ah oo kaga yimaada dhanka falaagada nabadiidka ah ee SSC-da oo hore weeraro noocan oo kale ah ugu soo qaaday ciidamada wakhti ay u diyaar garoobayeen in ay ka soo baxaan goobihii ay colaado ka dhacday.
Tallaabadan ay xukumada Somaliland kaga soo saarayo aagii ay dagaaladu ku dhexmareen kooxahaas iyo ciidanka qaranka, ayaa noqonaysa tallaabo ay xukumadu ku doonayso inay hab nabadgelyo ah ugu soo dabaasho deegaanada ay colaaduhu ka jireen muddada badan.
Ka soo daadguraynta ciidanka qaranka Somaliland ee jiida Kalshaale oo ay caawa khadka telefoonka ugu xaqiijiyeen shabakeda wararka ee maantasomaliland dad ku kala sugan Magaalooyinka Qori-lugud iyo Buhoodle. ayaa sheegaya in bixitaanka ciidanka qaranku ay bilaabmatay maanta ilaa hadana ay si wanaagsan u socoto iyada oo la soo sheegin wax weeraro ah oo uga yimid dhanka kooxaha falaagada ah ee nabadiidka SS
maantasomaliland