Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantasomaaliland) Mar. 26, 2011- Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Cali Maxamed Warancade, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal qaaday muddo bil ah oo uu gaadhi leh taarikada Somaliland u adeegsaday, kaas oo uu ku soo gala bixiyay wadamo ku yaalo Bariga Qaarada Afrika.

Hargeysa (maantasomaaliland) Mar. 26, 2011- Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Cali Maxamed Warancade, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal qaaday muddo bil ah oo uu gaadhi leh taarikada Somaliland u adeegsaday, kaas oo uu ku soo gala bixiyay wadamo ku yaalo Bariga Qaarada Afrika.

Md Warancade oo madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee caasimada Hargeysa ka soo degay saaka tobankii iyo badhkii subaxnimo, ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeeyay madaxda saddexada xisbi qaran, golayaasha qaranka, sallaadiin, ganacsato, culimo udiin, madax-dhaqameedyo iyo kumanaan ka mida taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo aad u qiiraysnaa, iyada oo lagu soo wareejiyay jidadka waaweyn ee caasimada Hargeysa dhexmara.

Md Warancade waxa uu markii dambe taageerayaashiisa kula hadlay hotelka Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa, waxaana uu ka waramay socdaalkii ku soo maray wadamada Bariga Afrika, isaga oo sheegay in uu dalalkii u booqday loogu qaabilay si heer sare oo tixgalin loogu muujiyay, waxa uu sheegay in madaxdii uu kala kulmay dalalkii uu socdaalkiisa ku soo maray, kaasoo uu sheegay inuu kala hadlay qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo aqoonsiga ay beesha caalamka uga martida tahay inay ka hesho Somliland.

Waxa uu sheegay Md Waran-cadde in Somaliland si rasmi ah loogu casuumay ka qaybgalka munaasabada loo samayn doono madaxbanaanida Koonfurta Suudan bisha July ee sannadkan, iyada oo ay ka qaybgali doonaan Madaxweynaha Somaliand iyo masuuliyiin uu ka mid yahay isagu oo lagu casuumay xafladaas.

Md Cali Warancade oo ah siyaasi rugcadaadiya, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland, ayaa intaas ku daray in masuuliyiinta Koonfurta Sudan ay diyaar u yihiin in ay wax la qabtaan Somaliland, maadaama oo ay labada dal isku qadiyada ahaayeen, waxa uu soo jeediyay xukuumad Somaliland in ay ka faa’iidaysato fursadaha noocan oo kale ah, taasoo uu tilmaamay inay aad ugu mihiimsan tahay baadigoobka loogu jiro helitaanka aqoonsi caalamiya oo ay jamhuuriyada Somaliland beesha caalamka ka hesho.

Md Cali Maxamed Warancade, ayaa isagu dhawaan shaaca si rasmi ah uga qaaday inuu isu soo taagayo musharaxnimada xisbiga mucaaridka ah UDUB, isagoo sheegay inuu doonayo, isla markaana uu ku jiro han madaxweyne oo uu u tartami doono doorashada Madaxtooyada Somaliland ee soo socota, hadii uu ku guulaysto musharaxnimada xisbiga UDUB.

xuseen xarbi

hargaysa

maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com