Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gaadhi Hanti-dhawrka Guud Lahaa Oo Ku Shuf Beelay Dab Qabsaday Iyo Dareenka Laga Muujiya

Gaadhi Hanti-dhawrka Guud Lahaa Oo Ku Shuf Beelay Dab Qabsaday Iyo Dareenka Laga Muujiya
Hargeysa maanta somaliland)-Gaadhi Noociisu yahay MarkII Lr GT 499 oo ay leeyihiin Hanti dhawrka guud ee Qaranku ayaa maanta abaaro 10:00 saacadu markay ahayd dab qabsaday ku shuf beelay, ka dib markii mar kaliya la arkay gaadhigaasi oo dab ka dhex holcayo, isla wakhtigaana taagnaa Xarunta Hanti dhawrka Guud iyo Waaxda cashuuraha barriga dhexdooda, ayaa dadweynihii ka ag-dhawaa gurmad ay ku bakhtiinayaan dabka gaadhiga qabsaday, iyaga oo isticmaalayay ciid iyo biyo.
Wadaha gaadhiga oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdi Qooray, ayaa wakhti yar uun ka hor dhigay gaadhiga halkaasi sida ay sheegeen dadkii goobtaasi ku sugnaa.
Waxaana bakhtiinta dabka gaadhiga qabsaday ka qayb qaatay dadweyne farabadan, balse markii ay dabka xoogiisii bakhtiyeen ay goobtaasi soo gaadhay booyad nooca dab damiska ah oo dawlada hoose ay leedahay, taasoo la sheegay in dhalinyaro ka qayb qaadanayay bakhtiinka dabku ay dhagax tuureen, iyaga oo ku sababaynaya, in booyadaha dab damisku ay goobta gubata soo gaadhaan wakhti ay dadweynuhu dabka xoogiisa bakhtiiyeen.
Si rasmiya looma oga sababta keentay gubashada gaadhigan, balse dadka qaar ayaa sheegayay in laga yaabo dab sigaar la tuuray sababay oo daaqaduhu furaayeen ama dab ka kacay xadhkaha dabka ee gaadhiga.
“Saacad ku dhawaad ayaanu bakhtiinta dabka la tacaalaynay, dabkana dadweynaha ayaa bakhtiiyey baabuurka, markii dabka xoogiisa aanu bakhtiinayna ay timid booyadii dab-damisku, ka dibna dhaliyaradii ayaa shiiday, wax kalena maaha’e booyaduhu waxay soo gaadhaan marka shil dab dhaco oo dabkooba la bakhtiiyey” Sidaa waxa tidhi qof dumar ah oo waayeel ah.
Sidoo kale Cismaan Xasan Almis oo ka mid ah fanaaniinta qaranka, oo ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay bakhtiinta dabka gaadhiga qabsaday, isaga oo ka waramaya sida ay u bakhtiiyeena waxa uu yidhi “Ololku markuu qabsaday gacmaha ayaa bakhtiiyey, dadkuna waxay kaceen markaan idhi, tolaay yaa reer Hargeysow ay Ciidda taabteen, intii hore dadku way yaabanaayeen.”
Dhinaca kale Caasimada Hargeysa ayaa gebi ahaanba ka aradan gurmadka gaadiidka dab-damiska ee lagula tacaalo shilalka dabka, taasoo dad badani ku macneeyaan, islamarkaana u sibir saaraan in xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale aanay xil iska saarin inay caasimada iyo magaalooyinka kale ee Somaliland keento booyadaha nooca dab damiska.
Sida la og-yahay magaalada Hargeysa ayaa sanadihii u dambeeyay waxa dab qabsaday ku shuf beelay boqolaal guri iyo meheradood, kuwaas oo intooda badani ku shuf beeleen halka inta laga badbaadiyeyna ay dadweynuhu ku guulaysteen inay bakhtiiyaan.
Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa tan iyo intii ay xilka haysay gurmado kaga hawl gasha bakhtiinta shilalka dabka.

cumar maxamerd faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com