Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Golaha Wakiilada Somaliland dib ugu soo celiyay xeerka Gobolada iyo degmooyinka oo ay hore labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtidu) u ansixiyeen.

Hargeysa (maantaSomaliland)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Golaha Wakiilada Somaliland dib ugu soo celiyay xeerka Gobolada iyo degmooyinka oo ay hore labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtidu) u ansixiyeen.
Madaxweynuhu wuxuu wax ka bedel ku soo sameeyay qodobo kala duwan waxaanu Golaha ka dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan oo ay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan.
Qoraalka Madaxweynuhu u soo gudbiyay Golaha oo maanta loo qeybiyay Mudaneyaasha waxa uu u dhignaa sidan:-
“Mudaneyaal, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa lifaaq wax ka bedel iyo kaabid xeerka Gobolada iyo degmooyinka Xeer LR.23, si ay isula jaan qaadaan wasaaradaha iyo Hayadaha dawladu una fududaato wada shaqaynta dhexdooda. Waxaanan idinka codsanayaa si xishmad iyo qadarin leh uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.
Wax ka bedelku waa sidan hoos ku xusan:-
Wax ka bedel lagu sameeyay xubinta 9-aad oo ah farsamada iyo adeegyada bulshada Qodobka 71-aad fiqrada shanaad xarafyada (A, B, D) oo u dhignayd sidan:-
Xarfaha (A) oo u dhignaa sidan:-
(A) Golaha degmada waxay xaq u leeyihiin kormeer iyo warbixin, la tashi madaxda wakaalada Biyaha iyadoo mar walba ka duulaya daryeelka arrimaha bulshada ee dhinaca biyaha, waxaanay hoos imanaysaa wakaaladaha Biyuhu maamulka dawlada Hoose.
Waxaana loo bedelayaa:-
(A)- Golaha degmaddu, waxay xaq u leeyihiin kormeerida iyo ka warhaynta iyo wada shaqaynta shaqo ee wakaalada Biyaha, waxayna Wakaaladda Biyuhu hoos imanaysaa dawlada dhexe oo ay wakiil u tahay Wasaarada Macdanta iyo biyaha.
Xarafka (B) oo u dhignaa sidan:-
Golaha Degmaddu waxay warbixin u soo gudbinayaan wasaarada arrimaha Gudaha.
Waxa loo bedelay sidan:-
(B) Golaha Degmadu waxay warbixinta ku saabsan arrimaha Biyaha waxay u soo gudbinayaan wasaarada macdanta iyo Biyaha.
Xarafka (D) oo u dhignaa sidan:-
Maareeyaha iyo Maareeye ku Xigeenka wakaalada Biyaha waxa magacaabaya Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, marka uu la tashado Madaxweynaha, marka laga reebo Maareeyaha iyo maareeye Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa oo uu si toos ah Madaxweynuhu u magacaabayo.
Waxa loo bedelay:-
(D)- Maareeyaha iyo Maareeye Ku Xigeenka waxa magacaabaya Madacdanta iyo biyaha, marka uu la tashado madaxweynaha JSL, marka laga reebo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Caasimada Hargeysa oo uu madaxweynuhu magacaabayo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com