Hargaysa (maantasomaliland.- Maareeyaaha Madbacadda Qaranka Mudane Cali Siciid Raygal, ayaa ka warbixiyay hawlaha shaqo ee ay hayso ama u xil saaran tahay Madbacadda Qaranka Somaliland.
Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Ka Xogwaramay Shaqadiisa
Hargaysa (maantasomaliland.- Maareeyaaha Madbacadda Qaranka Mudane Cali Siciid Raygal, ayaa ka warbixiyay hawlaha shaqo ee ay hayso ama u xil saaran tahay Madbacadda Qaranka Somaliland.
Maareeyaha Badbacadda Qaranka waxa uu sheegay in shaqada madbacaddu ay haatan u socoto si habsami ah, isla markaana ay madbacaddu haysato dhaqaale ku filan oo lagu socodsiiyo hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayso. Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay la yeeshay wargayka Dawan
Mudane Cali Siciid Raygal oo ugu horayn ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in uu faahfaahin naga siiyo hawlaha shaqo ee Madbacadda Qaranka wuxuu yidhi “Hawlaha shaqo ee ay hayso Madbacadda qaranku haatan, aad iyo aad ayay u wanaagsan yihiin, hadaan faahfaahin yar ka sii bixiyo, waad ogtihiin oo waxaan meeshan imid ama aan xilka la wareegay iyada oo madhan oo aanay wax ka socdaa aanay jirin oo aanay waxba dhex oolin, shaqaaluhuna aanay mushahar helin oo baa’ba ah. Balse maanta waad aragtaan istoodhadii way buuxaan, istoogii wuu buuxaa.
Shaqaaluhuna bil kasta si wanaagsan ayay mushaharkooda u helaan, taasi oo keentay in shaqaaluhu ay niyad iyo mooral wanaagsan ku shaqeeyaan, waxaanay shaqada soo galaan 7:30 subaxnimo waxaanay rawaxaan 12:30 duhurnimo. Haddana waxay dib shaqaaluhu shaqada ugu soo noqdaan 2:30 duhurnimo waxaanay raxaan 6:30 fiidnimo. Sidaasi awgeed, shaqadaasi wanaagsan ee shaqaaluhu waxay keentay in dhaqaalihii iyo dakhligiiba kordhaab.”
Maareeyaha oo aanu waydiinay halka uu ka soo xarooday dhaqaaha badan ee soo galay Madbacadda waxa uu ku jawaabay “Ma jirto cid wax na siisay, laakiin niman ganacsato ah ayaanu lacag dayn ah ka sii qaadanay oo waad aragtaa xataa, makiinado cusub ayaanu iibsanay, xafiisyadii dib u dhis ayaanu ku samaynay hadal kuma soo koobi karo, isbedelka maamulka cusub ku sameeyey shaqada, shaqaalaha iyo mishiinadaba, oo meeshu maanta hab maamul oo kala danbayn iyo is-tixgelin iyo ixtiraam ku jiro ayaa ka dhashay, waana Alxamdu LILLAAH, wax kastaana dadaal bay ku yimaadaan.”
“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wareegto ayuu ka soo saaray in aan laamah kala duwan ee dawladu, waxa ay daabacanayaan aanay madbacadda qaranka mooyee meel kale aanay ku daabacan karin. Waanay hirgashay oo anagaa daabacna sharcigaana dhigaya.” Ayuu yidhi Maareeyaha Madbacadda Qaranku.
Cali Siciid Raygal oo ka jawaabayay su’aal ahayd yoolka uu higsanayo mustaqbalka in uu gaahdo wuxuu yidhi “Waa su’aal wanaagsan insha ALLAAH waxaanu ku rajo weynahay in aanu tiknoolajiyada casriga ah la jaan qaadno oo aanu offest kalar ah keensano”
Dhinaca kale qaar ka tirsan shaqaalaha Madbacadda Qaranka ayaanu iyagana wax ka weydiinay hawshooda shaqo ee ay qabtaan, ugu horayn Xasan Nuur (Cumar Buur) oo aanu wax ka waydiinay ayaa yidhi “Waxaan ahay Offset Operator mishiin, shaqadu si wanaagsan ayay u socotaa maamulkan cusubina horumar wayn oo aad arki kartaan ayuu ka muujiyey madbacada intii uu xilka hayay, imika saacadu waa shantii fiidnimo, shaqadii waa taa socota waana ku hambalyaynayaa maareeyaha Mudane Cali Siciid Raygal, isbedelka quruxda badan ee uu sameeyey.
Sidoo kale, Mahdi Maxamed Cumar oo ah Darkroom Operator ayaa waxa uu yidhi, “Hadaan hadal yar oo kooban idin siiyo indhihiina ayaa idiin markhaati ah. Mudadii yarayad ee uu xilka hayay Maareeyahan dhawaan xukuumadu noo soo magacawday waxaa uu muujiyey horumar balaadhan isagoo meesha noogu yimid iyadoo madhan oo xataa litir shidaal ah oo injiinka lagu shidaa aanu oolin iska daa wax istoog ahoo, maantana, istoogyadii way buuxaan shaqaalihii bil kasta si joogto ah ayaanu u qaadanaa, dhaqaalihiibaa kobcay markaa ILLAAHAY ha ku garab galo guusha iyo daacadnimada, iyo shaqo wanaaga uu gaadhsiiyay madbacada qaranka waanuna ku ku garab taaganahay, hadaanu nahay shaqaalaha madbacada qaranak oo xataa makiinado cusub keenay oo dayn u galay.”
Xuseen Xarbi