Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiyada Qaranka Iyo Guddida Doorashooyinka Oo Maanta Yeeshay Shir Ay Albaabadu U Xidhin Yihiin Iyo Dareenka Axsaabta Ee Furashada Ururada

Xisbiyada Qaranka Iyo Guddida Doorashooyinka Oo Maanta Yeeshay Shir Ay Albaabadu U Xidhin Yihiin Iyo Dareenka Axsaabta Ee Furashada Ururada.

Hargey) Mar.27, 2011 – Xisbiyada qaranka, guddida doorashooyinka qaranka iyo Akdamiyada nabada iyo horumarinta, ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wadahadlayay sida loo wajahayo rayi uruurinta ay samayn doonaan guddida ka soo talo bixinta furashada ururada ee dhawaan magacaabay Madaxweyne Siilaanyo.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta hay’ada Akdamiyada nabada iyo horumarinta Somliland ee Magaalada Hargeysa, ayaa ahaa mid aan loo ogalayn saxaafadu in ay ka qayb gasho, iyada oo la sheegay in si qoto dheer loogu falanqeeyay arrinta furshada ururada siyaasada oo ay si weyn u danaynayaan dhinacyadu, maadaama ay yihiin jiheeyaasha siyaasada wadanka.

Waxa la sheegay in ay dhinacyada ka qayb qaadanayay shirku ay kula aragti duwanaayeen qodobada laga wadahadlayay kulanka , iyada oo axsaabta qaranku ay dareen dhiilo dheh ka muujiyeen natiijada ka soo bixi doonta qiimaynta ay samayn doonaan guddida talo bixinta ururadu, iyaga oo arka in ay taasi horseedi doonto kala qaybsanaan baahsan oo ku timidaada xisbiyadooda, waxaana ay soo jeedinayaan in aan lagu deg-degin arrintan.

Qaar ka mida masuuliyiinta ka qayb galay shirkan oo ay shabakeda wararka ee Ramaasnews wax ka waydiisay qodobada lagaga hadlayay kulankan ayaa ka gaabsaday in ay ka haldaan nuxurka shirkooda, waxaana ay sheegeen in uu kulan uu ahaa wada tashi ah oo lagu eegayay sidii la isula meel dhigi lahaa sida loo wajahayo arrimaha ku soo kordhay dalka oo ay ka mid tahay furashada ururada siyaasadu,laakiin may bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Lama oga waxa ay noqon doonto jawaabta axsaabta qaranku haddii natiijada ka soo baxda rayi uruurintu ay noqoto in dadka ay isku raaceen furashada ururada, iyada oo lagu cabsi qabo in ay si cad ugu soo horjeesdeen, balse lama saadaalin karo cawaaqib ka dhalan kara arrintaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com