Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cuqaasha, Waxgaradka iyo odayaasha degaanka degmada Dhahar ee gobolka Badhan,ayaa qaadacay shir lagu sheegay in uu yahay shir beeleed ay beelaha Warsangeli ay yeelanayaan

Cuqaasha, Waxgaradka iyo odayaasha degaanka degmada Dhahar ee gobolka Badhan,ayaa qaadacay shir lagu sheegay in uu yahay shir beeleed ay beelaha Warsangeli ay yeelanayaan, oo la filayo in uu maanta ka furmo magaaladda Xiin-galool oo ka tirsan gobolka Sanaag.

waxaanay waxgaradka beesha Dubbays sheegeen in aanu shirka Xiingalool ka furmayaa aanu ahayn shir ay qabsanayaan beesha Warsangali loona dhamayn wax kasta oo ka soo baxaana aanu beel ahaan waxba ka qusayn.

Odayaasha iyo waxgardka degmada Dhahar oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Dhahar, waxa kale oo ay tilmaameen in aanay jirin cid beel ahaan uga qayb galaysa beeshooda DUBBAYS oo ka tirsan beelaha WARSANGALI ee shirku u furmayo waxaanay intaa raaciyeen in aanay jirin cid ergo u ah oo magaca Beesha Dubbays kaga qayb gelaysa shirkaasina uu yahay mid ay qaadaceen.

Caaqil Cabdi Shire Maxamed (Shire Maskax), oo ka mid ahaa odayaasha shirka jaraa’id qabtay oo halkaasi ka hadlay waxaanu cadeeyay in shirkaasi aanay shaqo ku lahayn islamarkaana aanay ka qaybgalayn. Waxaanu yidhi “Anagu haddaanu nahay beesha Dubeys ee Warsangali shirkaa Xiingalool ee gogashu Xiingalool u taal, waxaanu go’aansanay inaanaan maanta diyaar u ahayn, cidii beesha Dubeys ka tagtayna shirkaas aanay naga tallo galin”.

Caaqil Cumar Cige oo isna ka mid ahaa cuqaashii shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa isna dhankiisa cadeeyay in shirka Xiingalool beesha Dubeys qaadaceen. “Haddaanu nahay odoyaasha iyo Madax dhaqameedka beesha Dubeys shirkaa Xiingalool anagu hore ayaanu uga cudur-daaranay inaanaan shaqo ku lahayn sababo jira dartood , xilligakana aanaan diyaar u ahayn, hadaanaan ka qaybgalina dee shir naquseeya maaha” ayuu yidhi Caaqil Cumar Cige.

Oday Cabdi Cabdilaahi, oo ka mid ah odoyada beesha beesha Dubeys shirkaasi jaraa’id ka halay ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa. “Annagu hadaanu nahay beesha Dubbeys, ee ku dhaqan Dhahar waxaanu idiin sheegaynaa saxaafadana u sheegaynaa shirkaas Xiingalool lagu hayo oo la leeyahay Warsangali baa u dhan inaan loo dhamayn shaqana aanaan ku lahayn cidna aannaan u diran, ananguna aanu ka cudur daaranay” ayuu yidhi oday Cabdi Cabdilaahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com