Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Cisbitaalka Hargeysa
Hargeysa (Maantasomaliland)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqasho ku tagay cisbitaalka guud ee caasimada Hargeysa.
Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa bukaanta jiifa waadhadhka kala duwan ee cisbitaalka mid mid u dul istaagay isaga oo ka wareystay xaaladooda caafimaad iyo sida dhakhaatiirta cisbitaalka ka hawl-gashaa ugu adeegaan.
Sidoo Kale, Madaxwaynaha waxa warbixino koob-kooban ka siinayey xaalada bukaanka Cisbitaalka qaar ka mid ah dhakhaatiirta sida joogtada ah uga shaqeeya cisbitaalka.
Markii Madaxwaynaha iyo wasiirka caafimaadka oo la socday ay soo dhamaysteen booqashadii bukaanka, ayaa Madaxwaynaha oo warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi “Maanta waxa ii muuqatay in dadaal aad iyo aad ah la sameeyay oo intii wax la qaban karayey loo qabtay dadka bukaan jiifka ah ee cisbitaalka yaala, wax badan oo cisbitalka lagu kordhiyeyna waan arkay.”
Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaana inoo dhiman hawlo faro badan oo loo baahan yahay in qabto kuwaas oo maamulka cisbitraalku muujiyeen baahida loo qabo, haddii ILAAHAY yidhaahdo dadaal wayn ayaynu galaynaa in alaale iyo intii suurowda waanu la qabanaynaa, dadka bukaan jiifka ahna ILAAHAY waxaanu uga baryeynaa inuu caafimaad siiyo.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisii ku soo koobay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Maxamed, oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxa cisbitaalka guud soo booqday Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo si uu u eego xaalada guud ee cisbitaalka iyo ta bukaanka dhakhtarka jiifa.”
Dr Xuseen Xoog, waxa kale oo uu wax ka tilmaamay “Anaguna waxaanu Madaxwaynaha ka codsanay inuu biyaha oo cisbitaalka dhibaato ka aysato wax nagala qabto oo cisbitaalku biyo bilaash ah helo, taana Madaxwaynuhuna wuu naga aqbalay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Waxa kale oo aanu ka codsanay Madaxwaynaha in laba nin oo mujaahidiin ah oo ka tirsanaa ciidamada qaranka oo midna indho belay midna cagtu go’day, ka indhaha beelayna dibada loo diro, ka kalena gaadhi uu ku socdo loo iibiyo, Madaxwaynuhuna wuxuu balan qaaday in wax loo qabanayo.”
Wasiirka caafimaadka Somaliland Md Xuseen Muxumed Maxamed, waxa uu sheegay in Madaxwaynuhu dadka bukaan jiifka ah uu u qalayo xoolo Bukaan jiifka Cisbitaalka ama ha ahaato kuwo dhimirka ama ha haato kuwo caadiga ahe Madaxwaynuhuna maanta ayuu xoolo u qalayaa.”ayuu yidhi.
xuseen xarbi
Hargeysa