Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Maanta Hortagay Golaha Wakiilada, Soona Bandhigay Qorshaha
Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Maanta Hortagay Golaha Wakiilada, Soona Bandhigay Qorshaha
Ay Xukuumadu Wax Kaga Qabanayso Mushkilada Dhaqaalaha.
Hargeysa (maantasomaliland)Mar.29, 2011 – Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirrir Cabdi, ayaa shalay hortagay golaha wakiilada Somaliland si uu faahfaahin ugu bixiyo qorshaha ay xukuumadu ku doonayso in ay soo daabacato lacag cusub oo Note ah.
Guddoomiyuhu waxa uu soo bandhigaas qorshahan oo uu sheegay in wax lagaga qabanayo mushkilada dhaqaale ee dalka ka jirta, taas oo uu sheegay in ay sabab u tahay lacagta shilling-ka Somaliland oo yaraatay ka dib markii ay gaadhay gobolo iyo degmooyin aan hore looga isticmaali jirin.
Waxa uu sheegay in dhawaan ay xukuumadu soo daabacan doonto lacag lagu qiyaasay bilaayiin shilling-ka Somaliland ah oo lagu tacaalayo dhaqaalaha sii ciiraya oo saamayn ku yeeshay bulshada,iyada oo lacagtan ay ka mid tahay shan boqol iyo kun shilling oo isku yaala.
Mr Dirrir waxa uu meesha ka saaray walaac ay dadku ka muujiyeen lacagtan isku taala oo ay ku tilmaameen in ay hoos u dhigayso qiimaha lacagta Somaliland,waxa uu sheegay in taasi ay ka taxdireen si aanay wax saamayn ugu yeelan qiimaha lacagta dalka,isla markaana ay kala tashadeen khuburo aqoon u leh lacagaha.
Waxa uu intaas ku daray in laamaha baanku ku leeyahay gobolada iyo degmooyinka dalku ay u shaqeeyaan si wanaagsan oo fuliyaan adeegyada ay u hayaan bulshada, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin xaga farsamada wakhtiyada qaarkooda dhacaa.
Waxa uu ugu dambayn ka jawaabay su’aalo ay mudanayaasha goluhu ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee baanku qabtay
hargaysa
maantasomaliland.com