Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti ka Socday UNDOC Iyo Dawlada Secyc heles

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xarunta madaxtooyadda ku qaabilay Wefti ka socday Ha’yada UNDOC iyo saraakiil ka tirsan dawlada Seycheles, kuwaasi oo socdaal ku yimid dalka si ay u soo eegeen jeelka weyn ee Hargeysa oo dhawaan dib loo furay. Ka dib markii ay dhamaystirka dayactirkiisa maal gelisay Qarammadda midoobay.
Madaxweynaha Somaliland.Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay inuu weftigan ku soo dhaweynayo  socdaalkoodan ay ku yimaadeen dalka.
“Somaliland waxay door weyn ka  qaadanaysaa inay kala shaqeyso beesha caalamka xafiiska UNDOC iyo xafiisyada kaleba la dagaalanka budhcad badeedka. Waxaanu xabsiyada ku haynaa  maxaabiis tiro badan oo falal budhcad badeednimo u xidhan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Dhinaca kale, Agaasimaha Ha’yada UNDOC Yury Fedotov  oo ka hadlayay socdaalkiisa Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaan indhahayga ku arko Jeelkan Hargeysa oo  dhismihiisu yahay mid u qalma heerarka caalamiga ah. Waxaanu xukuumadda Somaliland ka caawin doonaa kor u qaadida hanaanka cadaaladda. Anagoo tababaro siin doona laamaha cadaaladda. Waynu ka warqabnaa  in budhcad badeedku ay culays ku hayso gobolka (Mandaqada), waxaana muhiim ah inaynu wada jir wax uga qabano la dagaalanka Budhcad badeedka.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com