Xisbiga Taladda Dalka Haya Ee KULMIYE Oo Umadda Roob Ugu Duceeyay, Maamulada Degmooyinka Iyo Goboladana Baaq U Diray.
Hargeysa (maantasomaliland) – Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa maamulada degmooyinka iyo gobolada ugu baaqay inay kordhiyaan dadaalka biyo dhaaminta ee ay ka wadaan deeganadooda, maadaama oo abaarta dalka ka jirta marayso meel halis ah.
Xisbiga KULMIYE ayaa bulshada ILAAHAY uga baryey inuu soo qaboojiyo oo uu u shubo raxmaadkiisa oo ah ka kaliya ee umada qaboojin kara.
War-saxaafadeed kooban oo uu maanta xisbigu soo saaray isla-markaana uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md Kayse Xasan Cigge, ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Waxaa waqtigan xaadirka lagu guda jiraa waqti abaartu ay fara kulul ku hayso dadka iyo duunyada labadaba, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha.
Xisbiga Kulmiye wuxuu ILAAHAY ka baryayaa inuu ummada Somaliland u soo shubo raxmaad kheyr qaba, kana saaro dhibaatada ay abaaruhu ku keeneen, xisbiga Kulmiye wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha dawliga, kuwa madaxa bannaan iyo dhammaan masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka dalka( gaar ahaan Badhsaabada iyo Meeyarada) inay laban laabaan biyo dhaaminta iyo taakuleynta shacabka iyo xoolaha.
Ugu dambeynta Hogaanka Xisbiga Kulmiye wuxuu mar labaad ILAAHAY ka baryayaa inuu raxmaadkiisa u shubo shacabka Somaliland, si dhakhsa ahna uga saaro culayska ay ku hayso abaartu”
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa