Wefti Wasiirro Somaliland Ah Oo U Kicitimay Dalka ingiriiska maanta
Hargeya (maantaSomaliland.com)- Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska oo ay sheegeen inay kulamo kula yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Britain.
Waxa kale oo weftigan xubno ka ah Wasiirrada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Duulista, Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Weftigan oo ka duulay madaarka Hargeysa waxay socdaalkooda ku sheegeen mid lagu soo xoojinayo xidhiidhka labada wadan oo maraya heerkii ugu sareeyay.
Weftigani waxa kale oo ay sheegeen inay kulamo la yeelan doonaan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa