Badbaadada Xisbiga UDUB Waa Laba Qodob Oo Aan Mid Sadexaad Lahayn”afhayeenka xisbiga udub mr cali guray
“Nimanka Basaska Is Dabo-gelinaya,Waxaan Leeyahay Lacagta Biyo-Dhaamiska Kaga Qeybgala”
“Badbaadada Xisbiga UDUB Waa Laba Qodob Oo Aan Mid Sadexaad Lahayn”
Afhayeenka Xisbiga UDUB
Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay siyaasiyiin ka tirsan xisbigiisa oo maalmihii la soo dhaafay shaaciyay inay isu soo taagi doonaan murashaxnimada jagada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB Dhexdiisa.
Afhayeenku waxa kale oo uu ka dayriyay xaalada xiligan uu ku sugan yahay xisbiga UDUB, waxaanu soo jeediyay laba Qodob oo uu ku tilmaamay inuu yahay xalka lagu badbaadin karo xisbigaasi mucaaridka ah, waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi uu caawa siiyay Telefishanka Madaxa banaan ee Horn Cable TV.
Mujaahid Cali Guray oo la weydiiyay xaalada xisbigiisa UDUB ee xiligan waxaanu yidhi “Xaalada Xisbiga UDUB sida imika uu yahay ma wanaagsana. Sababtoo ah xisbigu wuxuu ahaa xisbigii ugu horreeyay ee dalka laga aasaasay, waxa uu ahaa in xisbigii doorashada ka horeysay ka hor tallada dalka gacanta ku hayay. Waana xisbiga ugu waayo aragsan xisbiyada oo waayo aragnimo buuxdana u leh Hoggaaminta qaranka. Sidaasi ha ahaado laakiin waxa nasiib darro ah in mudadii uu xilka hayay Xisbiga UDUb waxa uu u jiray uun xukuumad ahaan ee xisbi ahaan kaalin firfircoon muu lahayn.
Waynu ogayn xiligii olalihii doorashada, Anigu waxaan idhaahdaa Xisbiga UDUB Muu tartamin, balse waxa tartamayay laba xisbi iyo xukuumad. UDUB waxa meesha ka garbiyay xukuumaddii isaga ka dhalatay haddii cidi ka adkaatayna waxa ka adkaaday xukuumaddii isaga ka dhalatay. Xukuumaddiina waxa doorashadii kaga adkaaday xisbiga tallada hadda haya ee KULMIYE. Xaalada xisbiga waxaad moodaa marka aanan shakhsiyo ka hadlin ee aan bahweynta UDUB idhaahdo dareenkoodu waxa weeye in la badbaadiyo xisbiga UDUB jiritaanka dhismaha xisbiga UDUB in la badbaadiyo ayaa ka mudan in lagu loolamo iyo in la iska yidhaahdo murashax baan ahayn uun ma aha.
Waxaan Anigu in badan ku dedaalayay inaan ragga mudakarka ah ee xisbiga UDUB ku qanciyo inaan wax kale oo dhanba aanu dhinac iska dhigno, haddii aad dagaal galayso waa inaad dadkaaga diyaarisaa oo aad waxaad haysato diyaarsataa. Nasiib darro waxaad moodaa inaan la isla fahamsanayn sidii UDUB loo badbaadin lahaa.”
Afhayeenka xisbiga UDUB oo ka hadlayay aragtidiisa ku wajahan sida lagu badbaadin karo xisbiga UDUB wuxuu yidhi “Anigu badbaadinta UDUB fikrada aan ka qabo waxaan jecelahay inaan halkan ka gudbiyo. Waa farriin ku socota bahweynta UDUB oo dhan oo aan jecelahayna inta aan UDUB ahayni inay maqasho. Laakiin waxan kale ee imika la wado oo dhami waa danaysi gaar ah oo shakhsi, reer iyo koox aniguna kuwaasi kuma jiro.
UDUB waxa u furan laba waddo oo kaliya, waddo sadexaad oo kale oo u furani ma jiro, wadadda sadexaad waa ta imika uu hayo oo ah wadadda hoogga iyo halaaga. Labadaasi xal midi waa xalka Golaha Dhexe midka labaadna waa xalka Shirweynaha UDUB.
Waxaan Anigu qabaa in loo baahan yahay muddo sodon cisho ah gudahood in lagu soo xulo Golihii dhexe ee xisbiga UDUB oo uu fadhiisto Bishan April ee aynu hadda galayno aakhirkeeda fadhigiisii ugu horeeyay. Waxa ansixinaya sidii lagu heshiiyay waxa ansixinaya Golaha Dhexe Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo ah Madaxweynihii u hore ee Daahir Rayaale Kaahin. Marka golaha dhexen la ansixiyo su’aasha ugu horeysa ee meesha soo galaysaa waxa weeye Hoggaankii hore ee xisbiga UDUB maxaa laga yeelayaa laba ayaa iyadana u furan in loo arko inuu sii joogo Hoggaankii hore ee xisbiga ee lagu doortay shirweynihii hore haddii danta xisbiga UDUB loo arko waxba kama qabo iyo inay noqoto in Hoggaankii hore meesha ka wada baxo oo Hoggaan cusub oo ku meel gaadh ah Golaha dhexe iska dhex doorto si dimuqraadi ahna loo doorto.
Haddii arrintan dambe la qaato waxa lagama maarmaan noqonaysa in Golaha dhexe intaan tallaabadaasi la qaadin uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka xisbiga si loo waafajiyo sharciga, haddii sidaasi ay noqoto waxa uu noqonayaan tartanka hoggaanku mid xisbiga dhexdiisa ah oo ay odayaashii hore (Hoggaankii horena) ay iyagu yihiin kuwa dadka isku soo jiid jiidaya ee mus-dambeedka u ah xisbiga UDUB. Markay halkaasi marayso xisbiga UDUB wuxuu helay Gole dhexe iyo Hoggaan cusub halkaasi ayuu dhamaystirmayaa dhismihii xisbigu waxaana loo sii gudbayaa dhismaha wakiilada xisbiga ee gobolada dalka. Waxa kale oo loo diyaar garoobi karaa doorashada goleyaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Xalkaasi haddii la iska diido xalka labaad ee u furani waa xalka shirweynaha oo waxaan qabaa in muddo lix bilood ah shirweyne loogu yeedho xubnaha xisbiga, waana in la sameeyaa qaban qaabo iyo Hoggaan ku meel gaadh ah oo sii wad0-wada hawsha intaasi.haddii lix bilood lagu qaban waayo waxa na soo gaadhaya doorashadii Goleyaasha deegaanka, waxa dhici karta in ururadii la furo xisbigii oo aan dhisnayn ayaa waxa ku soo boodaya hawlo uu ka bixi karo xisbi dhisan . markaa waxaan doorbiyaa xalka hore.”
“Xisbiga UDUB haddii uu cadow leeyahay waa nimankii ku jiray xukuumaddii meesha ka baxday, waxa jirta xukuumaddii hore oo sidoodii oo dhan oo shalayna xisbiga meesha ka saartay, haddana waxay doonayaan inay xisbi yahanada UDUB ay dibadda dhigaan oo ay noqdaan xukuumaddii hore oo haddana UDUB ah qolada sidaasi doonaysaa xalkaygan labada qodob ah ma waafaqsana,laakiin bah-weyntii UDUB bari illaa galbeed, gudo iyo dibadba waxay waafaqsan yihiin in la helo Golihii dhexe ama shirweyne la iskugu yimaado,”ayuu yidhi Afhayeenkii xisbiga UDUB.
Cali Guray oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko dhaqdhaqaaqyo rag musharaxiin ka noqonaya xisbigu ay isku shaacinayeen iyo isbedelka xisbiga UDDUB dhexdiisa waxaanu yidhi “Horta mid gabi ahaanba waan diidan nahay waanan ka xumahay wakhtigan aynu ku jirnaa waa kaliil dheeraatay oo dadkeena dhibaatadda haysata inaanu la qeybsano haddii aanu UDUB nahay oo aanu badhkayaga qaadano.
Waxaan diidan nahay nimankan intay madaarka ka soo degaan basaska is-dabo gelinaya ee Gaadiidka soo kireynaya inta ay inyar oo ardaagiisa ah inta uu soo abaabulo odhanaya ha la I soo dhaweeyo ee I arkaay I maqlaay leh, waxaan leeyahay waar xayawaankuna jilaalkii ma qooqaan. Ninka dalka Madaxweyne Ka doonaya ummadda abaarta ku jirta ee haraadka u dhamanaya, lacagta uu I arkaay ku bixinayo waa laga fiican yahay. Midda kale hab maamuuska xisbiga calanka UDUB waxa soo huwan kara oo madaarka lagaga soo dhaweynayaa Guddoomiyaha, Gudoomiye Guddoomiye Kuxigeenka, Xoghayaha Guud, Xoghaye ku xigeenka xisbiga. Lixdankii Wasiir ee xukuumaddii dhacday haddii kii madaarka ka soo degayaaba uu calankii UDUB huwado isagoo wax xil ah oo toos uu ugu hayaaba aanay jirin waxay u muuqanaysaa kaambayn iyo dhoola-tus. Waa in arrintaasi joogsan weydo waxaynu eegi doonaa cida laga bas bato iyo cidda laga dad bato.”
Ahayeenka xisbiga UDUB oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko xaaladda dalka waxaanu yidhi “Xukuumadda cusub iyada darawal bar-barad ah uun dheh. Darwalkana marka uu gaadhigu ku cusub yahay mar uu wadada kala yar baxo, mar uu dalcad hoose ka galo, mar uu ka yara bakhtiyo. Xukuumaddan waxaan qabaa in wakhti la siiyo. Waxyaabaha dalka ka dhacay ee aan wali xalka loo helin waxa ka mid ah arrintii kalshaalle iyo guud ahaan Buuhoodle. Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay ahayd deegaamadda ugu nabadda badan Somaliland. Mushkiladdu waxa weeye Jahbadda SSC oo noqotay dhibaato ku soo korodhay dalka oo weeraro faro badan ku soo qaaday ciidamada qaranka, kooxdaasi ma haystaan taageerada reer Buuhoodle balse taageerada ay heleen ay ku koobnayd qurbo joog riyoonaya oo ka fog xaqiiqada oo waxa kaliya ee ay soo kordhiyeen ay tahayn in Geelashii nabadda ku wada daaqi jiray ay wada daaqi waayaan. Waxaan qabaa in Go’aankii Madaxweynuhu ka soo saaray kalshaalle inay yahay kii saxda ahaa.”
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa