Hogaanka Dhaqanka Ee Degmada Xudun Oo Maanta Taageeray Baaqii Madaxweyne Siilaanyo Gogosha Nabada Ugu Fidayay Beelaha Gobolada Buhoodle Iyo Sool.
Xudun (maantasomaliland) Hogaanka dhaqanka beesha degmada Xudn ee gobolka Sool, ayaa maanta sheegay in ay si rasmi ah u taageerayaan gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha gobolada Sool iyo Buhoodle.
Odayaashan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Xudun, ayaa sheegay in ay ayidsan yihiin qorshe kasta oo mabad loogu dhamaynayo colaadaha ka jira Bariga dalka oo curyaamiyay horumarka deegaanadaas, waxaana ay sheegeen in wakhtigan ay dadku u baahan yihiim nabad iyo xasilooni oo aanay taabacayn kooxaha ay sheegeen in nabada ka soo horjeedaan.
Waxa ay odayaashani ballan qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa xukuumada iyo shacabka ku nool dhulkaas, taa soo dhabaha u xaadhi doonto in xal loo helo colaada iyo khilaafka ka oogan Bariga, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan dhinacyada ku lug leh arrimaha siyaasada in ay ka qayb qaataan hawlgalka nabad raadinta.
Baaqa odayaashan ayaa daba socday koox hogaamiye dhaqameedyo ah oo ku dhawaaqay in ay taageeradoodii kala noqdeen falaagada SSC-da, kuwaas si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, iyada soo dhaweyntooda aan loo kala hadhin.
maxamed faarax
xudun