Xukuumadda Somaliland Oo Mar Kale Caalamka U Soo Bandhigtay Furitaanka Jeelka Hargeysa
Hargeysa (maantSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta beesha caalamka u soo bandhigtay furitaanka Jeelka weyn ee caasimada Hargeysa, oo dhawaan dib loo furay, waxaana xaflad labaad maanta loogu sameeyay Huteelka Ambassador ee Hargeysa, waxaana ka qeyb galay Wefti ka socday Ha’yada qarammadda midoobay u qaabilsan daroogadda iyo budhcad badeedda oo iyadu maal gelisay dhamaystirka dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xabsiga Hargeysa.
Xafladan waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirrada Cadaaladda, Kalluumaysiga , Beeraha iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aarre, oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay inay hore loo furay jeelka weyn ee caasimada Hargeysa dhawaan isla markaana ay ku jiraan maxaabiis kala duwan oo isugu jira muwaadiniin geystay dambiyo caadi ah, kuwo argagixiso iyo budhcad badeeddii lagu qabtay xeebaha Somaliland.
Wasiirku wuxuu sheegay inuu uga mahad celinayo Ha’yada UNDOC dhamaystirka Jeelka weyn ee Hargeysa.Md. Ismaaciil Muumin waxa uu sheegay xabsigan lagu xidhi karo budhcad badeedda lagu qabto Somaliland.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Agaasime-goboleedka Ha’yada UNDOC Mr. Yury Pedono, oo sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xabsigan waxaanu tilmaamay in lagu xidhi doono maxaabiista lagu qabto falalka budhcad badeeda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumad ahaan dedaal u galayaan sidii ay u ula dagaalami lahaayeen budhcad badeeda oo uu xusay inay noqotay mid dhibaato cusub oo saamaysay caalamka.
Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay heeso iyo suugaan ku wajahan halista budhcad badeedda.
Weftigan ka socday Ha’yada qarammada midoobay u qaabilsan la dagaalanka daroogadda iyo budhcad badeedu waxa kale oo ay maanta soo booqdeen jeelka Hargeysa oo ay soo indho indheeyeen qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.
Waxa kale oo weftigani ay saaka kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana la sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda Ha’yada UNDOC ay ka waddo Somaliland.
xuseen xarbi hargaysa
maantasomalilan.con