Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laba Mudane Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Isku Maandhaaafay Su’aalo La Waydiinayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland.‏

Hargeysa (maantasomaliland)Mar.29,2011- Laba Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa isku maandhaafay su’aalo ay xildhibaanadu waydiinayeen guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirrir Cabdi oo maanta mar kale hortagay golaha wakiilada.

Labadan xildhibaan ayaa kala ah Marwo Baar Siciid Faarax oo ka mida laba haween ah oo golaha ku jira iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac), waxaana ay isku seegan labada mudane su’aalo la xidhiidho lacagta cusub ee ay xukuumadu soo daabacanayso oo wax laga waydiinayay guddoomiyaha baanka dhexe oo xilligaas ku sugnaa golaha, iyada oo uu khilaafku bilaabmay markii ay xildhibaan Baar sacabka tuntay mudane guddoomiyaha waydiiy su’aal ku saabsan qorshaha uu baanku ugu talagalay in lacagta cusub lagu gaadhsiiyo gobolada Bariga dalka oo ay Marwo Baar dhalasho aan ka soo jeeda, laakiin su’aasha mudanaha iyo sacabka Marwo Baar ayaa sababay in xildhibaan Nac-Nac kala hortago sawaxan uu ku diidan yahay,taasoo aad ugu cadhaysiiyay xildhibaanada.

Ka dib markii fadhigaha goluhu soo xiddmay ayaa ay xildhibaan Baar Siciid oo xamili wayday qayladii uu sameeyay mudane Nac-Nac oo ay u arkaysay in ahayd gaf laga galay deegaanka ay ka soo jeedo oo golaha lagu soo bandhigay baahidiisa, waxaana ay tidhi iyada oo ku dhawaaqaysay cod dheer

” Waaryaa Na-Nacoow ka bax arrintayada maxaa kaa khuseeya lacagta aanu nidhi ha lanaga badel ma adaanu wax ku waydiisanay? Waxaas waa gaf u dulqaadan mayno waxaas oo kale ee jooji aflagaada Barigu dalka miyaanuu ka mid ahayn?”

Markii ay xiisadu kululaatay ayay qaar ka mida mudanayaashu soo dhexgaleen arrinta,iyaga oo ka dalbaday xildhibaan Nac-Nac in uu xaal ka bixiyo hadaladiisii, isaga oo ogolaaday arrinta loo soo jeediyay, hase ha haate Marwo Baar ayaa saluugtay raaligalintan uu bixiyay mudanaha ay is khilaafeen.

xuseen xarbi

maantasomaliland

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com