Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda oo Cashuuro saartay ganacsatada shidaalka iyo kaalmaha oo ka cabanaya daymaha tuulmay ee ay Xukuumadda ku leeyihiin )

maantasomaliland)30 3 11 kaalmaha-Shidaalka Naafatada ah ayaa gabi ahaanba dalka ka go’an marka laga tago waxoogaa Naafato ah oo ay ganacsatada Iibisa Shidaalku ka soo iibsadaan magaalada Saylac ee Gobolka Salal oo uu ka soo dego Shidaal laga keeno Dalka Yemen.
Xaaladan Shiidaal la’aanta ah ayay qaar ka mid ah Ganacsatada Kaalmaha Shidaalka ee magaaladda Hargeysa oo aanu ka waraysanay ku sheegeen inay sababtay shirkadihii waaweynaa ee Shidaalka keeni jiray Haamaha Berbera oo ay qaarkood joojiyeen kuwa kalena uu ka dhamaaday taasoo sababtay in sida biyo dhaanka Booyadihii ay lahaayeen u cararaan dhinaca Saylac.

Shirkaddii Somaliland keenista Shidaalka Qandaraaska ku siisay muddada Kontonka Sano ah ee Total ayay Ganacsatada Kaalmaha Hargeysa leh ee aanu la kulanay sheegeen inaanay dhawr sanaba wax shidaal ah Dalka keenin. Halka labada Shirkadood ee Red Sea iyo Cali Waraabe maalmihii u danbeeyay uu ka go’ay.
Qiimaha Foostada Naaftada ah ayaa ka maraysa Hargeysa $ 185, waxaana lagu keenaa dhib iyo rafaad, waxaana laga cabsi qabaa haddii shidaal hore Dalka loogu keeni waayo inay xaaladu circa isku shareeri doonto oo uu Qiimuhu intaa kor uga kici doono.
Tusaale ahaan halka uu ka marayo Hargeysa $ 185 ka Dollar Foostadii waxa ay ka maraysaa dalalka aynu jaarka nahay sida Jabuuti oo kale $ 191, Itoobiyana $195 oo bilaa cashuur ah markase Cashuurta lagu daro waxa ay Foostadiiba ku imanaysa Hargeysa qiime dhan $ 220 taasoo marka dib loo sii iibiyo uu fuulayo qiime kale.
Shidaal gaabaabsiga ka taagan Dalka ayay wer wer ka muujiyeen Ganacsatada yar yar ee Kaalmuhu waxaanay sheegeen inay keenis la’aanta Shidaalka sii abuureen dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin Cashuuro Xukuumaddu ku soo rogtay oo halkii markii hore laga qaadi jiray cashuurta Liisanka guud lagu soo rogay inay bixiyaan laba cashuurood oo ay midi tahay Liisan Guud takalena ay tahay Liisan meheradeed.
Sida uu u sheegay mid ka mid ah dadka Kaalmaha leh isla markaana Booyadaha ku soo dhaansada ayaa waxa uu sheegay Xukuumaddu inay ku soo rogtay Cashuur ka badan intii laga qaadi jiray oo haddii sanadkii hore laga qaaday Cashuurta Liisankiisa Milyan iyo Konton kun imika laga doonayo Toddoba milyan iyo shan boqol oo kun.
sidoo kale waxa uu mid ka mid ah Ganacsatada Shidaalka iibisaa sheegay Shidaal la’aanta inay u dheer tahay Xukuumadda oo muddo Afar bilood ah ka haysata Daymihii dhinaca Shidaalka ee ay ka qaadanaysay taasoo keentay inay waayaan qaarkood Lacag aya shidaal soo siistaan.
Si kastaba ha ahaatee Naafato la’aantan Dalka soo food saartay ayaa waxay ku soo hagaagtay wakhti uu dalku galay Abaar adag oo biyo dhaan lagu jiro, isla markaana ay biyo la’aantii u sii raacayso Naafato la’aan, taasoo keeni karta in la isku gurman kari waayo. Waxaanay ganacsatada Shidaalku Xukuumadda ugu baaqeen in si dhakhso ah wax looga qabto xaaladan cusub ee uu Dalku galay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com