Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

odoba Carruur Ah Iyo Hooyadood Oo Uu Ku Tagay Mujaahid Ka Tirsanaa Ciidamada Qaranka Oo Si Gaadmadmo Ah Loogu Dilay Degmada Widh-Widh Sanadkii Hore Oo Deeq Lacageed La Guddoonsiiyey.

Todoba Carruur Ah Iyo Hooyadood Oo Uu Ku Tagay Mujaahid Ka Tirsanaa Ciidamada Qaranka Oo Si Gaadmadmo Ah Loogu Dilay Degmada Widh-Widh Sanadkii Hore Oo Deeq Lacageed La Guddoonsiiyey.

Hargeysa (maantasomaliland) – March 30,2011-Deeq Lacageed oo dhan Afar Kun Sagaal Boqol iyo Labaatan Dollar, ayaa maanta la soo gaadhsiiyay Agoontii uu ka tagay Alle ha u naxaariistee Mujaahid Maxamed Xasan Rooble (Fanax) oo ku geeriyooday Magaaladda Widh-Widh, ka dib markii ay kooxo Somaliland diid ahi si gaadmo ah u toogteen.

Lacagtan Deeqda ah oo ay soo Bixiyeen Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka boqortooyada Ingiriska iyo Australia ayaa waxa la gudoonsiiyey xaakiisii iyo carruurtii u ka tagay mujaahid Fanax oo si gardaro ah loogu dilay fegmada Widh-widh oo ka tirsan gobolka Sool, iyagga oo hawlo milatari ka wadda.

Qoyska deeqdan lacagta ah la guddoonsiyey ayaa waxa ay ka kooban yihiin todoba carruur ah iyo Marwo Foosiya Maxamed Ciidle oo ah hooyadood, kuwaas oo la sheegay in intii ka dambaysay geeridii mujaahidka ay ku noolaayeen nolol aan wanaagsanayn iyo duruufo qalafsan oo la xidhiidha baahiyaha guud ee wakhhtigan dalka ka jira.

Gudoon siinta Deeqadan Agoonta iyo Xaaskii Sarkaalkan Marxuum Maxamed Xasan Rooble (Fanax) Waxa ka soo qayb galay Aabaha dhalay Sarkaalkan Xasan Rooble, Suldaan Yusuf Xiirey iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo shakhsiyaad kale oo muhiim ah, waxayna dhamaantood u mahad-celiyeen jaaliyaddaha lacagtan soo diray oo ay sheegeen inay ku soo dadaleen inay nolosha reerkii mujaahidku ka tagay daryeelaan.

Sidoo kale, masuuliyiintani waxay ILAAHAY uga baryeen dadkii lacagta soo diray in halkii aysoo saareen wax san ugu badalo.

xuseen xarbi

maantasomaliland.com

hargaysa

harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com