magaalada buuhoodle ayaa maanta waxa ka dhacay Mudaharaad Balaadhan oo lagaga soo horjeedo Madax dhaqameed ka socday Maamulka Puntland, kaasoo gilgilay Magaaladaasi ,isla markaasina lagu dhacay qaar ka mida gaadiidkii Madax dhaqameedkaasi.

Dadweyne badan oo cadhaysan, kuna dhawaaqaayey erayo ku lid ah Waftigaasi ayaa Mudaharaad la tagay goobti lagu dajiyey Waftigaasi , iyagoo ku qaylinaayey haldhigyo ay ka mid yihiin.” Naa Dhaafa oo ku Noqda Meeshiini”.
Kooxo gadoodsan oo ka mida Mudaharadayaashaasi ayaa la sheegay inay dhaceen baabuurkii uu watay Suldaan Garaase oo ahaa suldaankii Hogaaminaayey Waftigaasi lamana oga meeshay la tageen.
Xaaladda magaaladda Buhoodle ayaa kacsan, ilaa hadda oo aan daganayn, inkastoo Waxgaradka iyo Odoyaasha Degaankaasi wadaan Dadaal lagu xalinaayo Xisadahaa iyo mudaharadyadaasi ka jira Magaaladaasi
jaamac maxamed
buuhoodle.