Hargeysa (maantasomaliland)Mar.30,2011-Madaxda xisbiyada qaranka,siyaasiyiin madaxbannaan iyo qaar ka mida sallaadiinta dalka, ayaa maanta kulan xasaasiya oo albaabadu xidhin yihiin ku yeeshay Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo maanta lagu qabtay hoteka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayay labada dhinac kaga wada hadleen arrimaha siyaasada wadanka oo ay ka mid tahay furshada ururada siyaasada oo dhawaan Madaxweynuhu dalka u xil saaray guddi ka soo talo bixisa furashadood, iyada oo ay madax-dhameedyada ka walaacsan yihiin mushkilada dhici karta haddii aanay siyaayiintu xal ka gaadhin arrintan oo khal-khal abuuri karta
Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ahaa ee isugu yimaadaan labada geesood muddooyinkii dambe oo lagaga hadlayo siyaasada dalka, waxaan la iskula qaatay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara dhibaato siyaasadeed, isla markaan in wixii tabasho ah oo lagu raadsado hab nabadeed.
maxamed dhukur
hargaysa
maantasomaliland.com