Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Ardayda Jaamacadaha Hargeysa iyo Gabilay ayaa maanta Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa ku qabtay xaflad ay shahaado sharafyo lagu gudoon siinayay odayaashii gacanta ka geystay bilowga wada hadalada nabadda ee shaqaaqadii ka taagnayd Ceel bardaalle. Xafladaasi waxa ka qeyb galay Wasiirro, Xisbiyadda siyaasada iyo dhalinyaro ka socday ardayda labadaasi Jaamacadood.
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Ardayda Jaamacadaha Hargeysa iyo Gabilay ayaa maanta Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa ku qabtay xaflad ay shahaado sharafyo lagu gudoon siinayay odayaashii gacanta ka geystay bilowga wada hadalada nabadda ee shaqaaqadii ka taagnayd Ceel bardaalle.
Xafladaasi waxa ka qeyb galay Wasiirro, Xisbiyadda siyaasada iyo dhalinyaro ka socday ardayda labadaasi Jaamacadood.
Xildhibaan Garaad oo ka hadlayay magaca odayaasha degmada Dilla oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu u mahad celinayo ardayda ka Jaamacadaha ee soo qaban qaabisay xafladan.
“Waxaan u mahad celinayaa dhalinyaradan ardayda jaamacaha ee xafladan soo agaasimay, waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa walaalkay Sheekh Maxamuud Raagge oo isugu bilowga nabada bilaabay oo mar labaadna waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo gogol nabadeed noo fidiyay shantii Wasiir ee u cuslaana u magacaabay dhamaystirka hawsha nabadeynta deegaanka Cdeel bardaalle, waxana Aniga iyo walaalkay Sheekh Maxamuud aanu BBC-da ka kaga dhawaaqnay nabad 4-tii Bishii January ee sanadkan. Arrinta Ceel bardaalle waxay u dhaxaysaa reer Maxamuud Nuur iyo Reer Xareed dhulka la isku hayaana ma aha Ceelbardaalle oo kaliyee waa Ceel Bardaalle iyo Dibiro weyn ee sidaasi ha loo ogaado.”
“Nabaddu waxay leedahay nidaam loo raaco, Nabadii aanu ku saxeexnay Guriga Madaxweynaha waxaanu u saxeexnay sidii ay Wasiirradii uu u xil saaray u soo qoreen, laakiin nabaddu waxay ku wanaagsanayd in damaanad la qoro qofkii khaldama lagu qabto. Nabaddana tallaabooyinkii loo baahnaa la qaadaa, Wasiirradii loo xil saarayna ay hawsha dhaqaajiyaan oo ay hawshoodii gudo galaan,”ayuu yidhi Xildhilbaan Garaad.
Sh. Maxamuud Muxumed Raagge, oo ku hadlayay magaca odayaasha Gabilay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabadan ay dhalinyarada jaamacaduhu ay qaadeen, waxaanu yidhi “In Kasta oo carabka lagu badiyay hawsha nabadeynta waxa hormuud ahaa Sh. Maxamuud. Anigana waxa hormuud iigu ahaa intii iga aqbashay iyo Madaxweynaha Somaliland. Madaxweyne kastaana wuxuu jecel yahay in dalkiisu nabad ahaaddo.way jirtaa Dib u dhacaas yar ee ku yimid gudo galkii hawsha nabadeynta, laakiin Soomaalidu waxay tidhaahdaa Haddii Ayax yimaado , beeraha shimbir lagama celiyo ee ayaxa ayaa qiiq lagu shidaa, waxaan ula jeedaa arrinta bariga waxay ahayd arrin ka culus ta Ceel bardaalle oo dibada la inagaga soo duulay.”
“Intii hawshan barigu jirtay Madaxweynuhu wuu ila soo xidhiidhay odayaasha labada dhinacna waan u sheegay. Hawsheeniina lama dayicine’e dibada ayaa la inaga soo weeraray. Hawshii nabadeynta Ceel-bardaallena diyaar ayaa loo yahay, Wasiirradii loo xil saarayna waxaan leeyahay hawshan wax ka qabta,”ayuu yidhi Sheekh Muxumed Raagge.
Wasiirka Ganacsiga C/Risaaq Khaliif Axmed oo ka hadlayay xafladaasi wuxuu yidhi “Anigoo runtii aan diidayn dhaliisha naloo soo jeediyay oo u arkayna mid ah hawsha dardar ha geliyaan, haddana Badhasaabada Gobolada Awdal iyo Gabilay waxay wakiil ka yihiin Wasaarada Arrimaha Gudaha oo iyaduna wakiil ka ah dawlada dhexe, haddii aanay raali ka ahayn xukuumadda dhexe nabadeyntu heerkan may soo gaadheen. Waana aan ku faanaynaa in arrinta labaatanka sanadood soo socotay inaanu dhamayno ILAAHAY-na waanu uga mahad celinaynaa.”
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) xafladaasi ayaa ka hadlay nabadda. “Nabaddu waa waxaynu ku nool nahay, horta Anigu waxaan galbeed u aqaanaa wixii Arabsiyo ka xiga galbeed, laakiin qolooyin kale waxay u yaqaanaan wixii Saraar ka xiga galbeed. Anagu galbeedka waxaanu u soo eegnaa dhawr arrimood diinta, waxbarashada iyo waxsoosaarka,bergigii dhawayd ee Madaxweynuhu noo diray shaqaaqadii ka dhacday Kalshaalle. Dadkii loo soo joogsaday ee gacan ka geystay nabadaasi waxay ahaayeen odayaashii ka yimid galbeed gaar ahaan Awdal iyo Gabilay.”
Wasiirka Kalluumaysigu wuxuu ku dardaarmay oo uu yidhi “Waxaan odayaasha labadan dhinac ku dardaarayaa inay halkaas ka sii wadaan hawsha nabadeynta isla markaana ay tallaabooyinka u hadhay ka wada shaqeeyaan. Somaliland oo dhami maadaama oo ay caqli iyo cilmi idinku tuhmayso xagiina ayaa la soo wada eegayaa.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay dhalinyaradii soo qaban qaabisay xafladaasi waxaanu tilmaamay in arrintani dhiiri gelin u noqonayso tubtii nabadeynta.
Wasiirku wuxuu sheegay inay soo jeedinta odayaasha u gudbin doonaan Xukuumadda.Waxa kale oo iyagun halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md. Muuse X. Muxumed Guulleed (Muuse Inji), Xildhibaan Bashiir Tukaalle oo ka tirsan Golaha wakiilada iyo Wasiirradii hore ee ganacsiga iyo Macdanta iyo Biyaha, ayaa dhammaantood u mahad celiyay dhalinyarada soo qaban qaabisay xafladan, waxase la sii ambo qaado hawsha nabadeyta.
Aadan Suldaan C/Raxmaan oo ku hadlayay magaca Guddida qaban qaabada xafladan ayaa sheegay inay ugu tallo galeen inay shahaado sharafyo ay gudoon siiyaan shakhsiyaadkii bilowga nabadeynta Ceel bardaalle ka hawl galay.
Waxaana ugu dambayn Wasiirka diinta iyo Awqaaftu uu shahaahdo sharafyo guddoon siiyay Xildhibaan Maxamuud Axmed Barre (Garaad) iyo Sheekh Maxamuud Muxumed Raagge oo kala socday odayaasha labada ardaa ee ay u dhaxaysay arrinta Ceel bardaalle iyo labada Badhasaab ee gobolada Awdal Maxamed daahir Cabdalle iyo Gabilay Rashiid Cumar Sheekh.
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa