Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo Ka Hadlay Biyo la’aanta isa soo taraysa ee Hargeysa
Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo Ka Hadlay Biyo la’aanta isa soo taraysa ee Hargeysa
Hargeysa (maantasomaliland) Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa mar kale sabeebay biyo-yaraanta soo wajahday Magaalada Hargeysa iyo saamaynta taban ee abaaruhu ku yeesheen biyihii caasimada.
Maareeyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu ka waramay culayska ay qeybo ka mid ah magaalada ku keentay abaaraha dalka ka jirta, ka dib markii ay waayeen booyadihii biyaha u shubi jiray oo u baxay deegaamadda miyiga.
Warsaxaafadeed uu Maareeyaha Wakaalada biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis uu ka akhriyay shirkaasi jaraa’id wuxuu u dhignaa sidan:-
“Sida aynu la wada socono waxa ka taagan dalkeenna Somaliland abbaar ba’an oo aynu ILAAHAY ka baryayno inuu inaga soo jabiyo, taasi oo haddii aanu ILAAHAY inaga soo jabin dhibaato ba’an ina gaadhsiin karta dad iyo duunyaba.
Haddaba, waxaan doonayaa inaan idiinka waramo siday noo saameysay abbaartu ka wakaalad ahaan iyo dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa ee aanu masuulka ka nahay biyahooda.
Waxaan doonayaa inaan ugu horayn warbixin kooban idinka siiyo xaalada biyo soo saar ee wakaalada Biyaha ee wakhtigan, biyo soo saarku wuxuu ka kooban yahay Ceelal, Mishiino, Bamam iyo Dhuummo, haddaba waxa ILAAHAY mahaddii ah in dhammaan afartaasi qeybood ee aynu soo sheegnay ay aad u wada fiican yihiin oo aanu hore uga sii diyaar garownay oo aanu maanta war war badani inaga haysan. Magaaladu waxay kala ahayd laba qeybood oo kala ah:-
Qeyb ka cabta qasabadaha wakaalada Biyaha oo kala ah xaafaddo ay ugu jirto qasabaddu iyo qaar ka caba kaalmaha. Qeybta labaad waa qeyb ay waraabin jireen Booyadaha haddaba waxa dhacday in labada qeyboodba ay iskugu yimaadeen biyaha wakaaladda biyaha. Ka dib markii ay ka baxeen gawaadhidii (Booyadaha) Biyaha u dhaamin jiray xaafadahaasi ayna biyihiina wada gaadhin magaalada gudaheeda taasi oo ku keentay wakaaladii iyo xaafadihii ka cabi jirayba culays aad u badan.
Tallo Soo Jeedin
Waa inaynu dhammaanteen ILAAHAY ka barino inuu inaga soo jabiyo abaarta. Inaynu gacan siino dadkeena baahan ee ku nool meelaha aanay biyuhu gaadhin.
Waa in dadweynaha ku dhaqan magaalada ee ku yaala meelaha gudonta ah ay tashiilaan biyaha ay isticmaalaan si walaalkooda u baahana ay u gaadhaan.
Waa in Hooyooyinka habeen oo dhan u soo jeeda biyaha ay ogaadaan in dawladoodu u maqan tahay oo aynu ILAAHAY ka baryayno inuu deg deg hawshaasi inoogu hirgeliyo.
Waa inaynu wada ogaano inaynu ku jirno wakhti adag oo badi gawaadhidii magaalada u dhaamin jiray ay tageen miyiga oo abaar aad u ba’ani ka taagan tahay, ka dibna la iskugu yimid Biyihii magaaalada oo aan dhamaanteen inagu filayn. Waa inaynu wada ogsoonaano in dhibta ugu weyn ee wakaalada biyaha Hargeysa haysataa ay tahay wixii biyo ah ee ay awood u lahayd iyo baahida biyaha ee magaaladu ay aad u kala badan yihiin.
Waa inaynu ogaano inaanay waxba iska bedelin qiimihii biyaha ee magaalada Hargeysa, ee waxa laga yaabaa in dad ka faa’iidaysanaya wakhtiga jiilaalka ay kaga iibiyaan dadweynaha qiime aan ahayn qiimihii la isla ogaa.”