Madaarka Berbera Oo Koox Carab Ah Axadii Lagaga Reebay Shan Libaax Oo Loo Tahriibinayey Dubai Berbera/Muqdisho, (Saxafi) – Ciidanka Bileyska Madaarka Berbera ayaa Axadii ina dhaaftay waxay madaarka Berbera ku qabteen shan dhalo libaax (Cago-baabuur), kuwaas oo la doonayay in la diyaarad tegaysay dhinaca magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.
Madaarka Berbera Oo Koox Carab Ah Axadii Lagaga Reebay Shan Libaax Oo Loo Tahriibinayey Dubai
Berbera/Muqdisho, (Saxafi) – Ciidanka Bileyska Madaarka Berbera ayaa Axadii ina dhaaftay waxay madaarka Berbera ku qabteen shan dhalo libaax (Cago-baabuur), kuwaas oo la doonayay in la diyaarad tegaysay dhinaca magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.
Sida ay Saxafi u sheegeen dad goob-joog ka ahaa Axadii markii ciidanka Bileysku qabteen libaaxyadan ayaa waxay ciidanku libaaxyadan ka soo saareen shandado lagu soo dhex qariyey, kadib markii la maqlay cidda ka soo baxaysa goobta shandadaha rakaabka lagu ururiyo.
Libaaxyadan oo tiradooda ahayd shan ayaa waxa sitay niman dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo qorshahoodu ahaa inay libaaxyadan kala dhoofaan madaarka Berbera si ay dalkoodii ula tagaaan, hase yeeshee ciidanka Bileyska Madaarka Berbera ayaa markii ay libaaxyadaas qabteen waxay xabsiga u taxaabeen nin wakiil u ahaa nimanka carabta ah ee sitay libaaxyaddan iyo shanti libaax ee lagu qabtay, halka ay ciidanka bileysku iska sii daayeen nimankii carabta oo galabnimadii Axadii iyagu ka duulay madaarka Berbera.
Ninka wakiilka u ahaa Carabtan oo magaciisa lagu sheegay Bootaan Laangadhe iyo shanti libaax ayaa ilaa hadda ku xidhan Saldhigga dhexe ee bileyska Berbera, balse waxa jira warar sheegay inay labadii maalmood ee u dambeeyay ay socdeen dhaqdhaqaaqyo ay rag masuuliyiinta dawladda ka tirsani ugu tafo-xaydnaayeen sidii loo sii deyn lahaa ninka iyo shanta libaax ee bileysku qabtay.
Inkasta oo aan la sheegin da’da ay jireen shan libaax haddana waxa la sheegay inay yihiin kuwo aad u yaryar oo ah dhalo aan jirin wax ka badan shan bilood.
Dhinaca kale Libaaxyo dhalo ah (Cago-Baruur) oo markab lagaga tahriibiyey dekedda magaalada Berbera, ayaa lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, halkaas oo uu taraansit ku sii ahaa markabka lagu tahriibanayey dhalahan libaaxa oo ku sii jeeday dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Maamulka dekedda magaalada Muqdisho ayaa dhalahan libaaxa oo ka koobnaa gool iyo aar saddex bilood oo keliya jiray, gacanta ku dhigay ka hor intii aanu la shiraacan Markabka lagu tahriibinayey oo ka qaaday dekedda Berbera ee dalka Somaliland, waxaana sida lagu sheegay war ay qortay wakaaladda wararka ee AP labada cago-baruur ahaayeen kuwo walaalo ah oo la rumaysan yahay inay yihiin libaaxyada noocoogu sii dabar-go’ayo ee loo yaqaan Berbera lions.
Dhalahan libaaxa ayaa la helay kadib markii afar toddobaad ka hor maamulaha dekedda Muqdisho ku wargeliyay hay’ad magaceeda la yidhaahdo Bancroft oo tababar siisa ciidamada Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta u jooga Muqdisho, inuu ka shakisan yahay in xayawaankani yihiin kuwo la tahriibinayo si loo rabaayadaysto.
Dhalahan libaaxa oo ay hadda gacanta ku hayaan shaqaalaha hay’adda Bancroft oo iyadu leh adeeg ku haboon xanaanaynta xayawaanka maadaama ay gacanta ku hayso Ey loo tababaray helitaanka Miinooyinka, ayaa la rumaysan yahay dadka tahriibinayay ay geynayeen dhinaca magaalada Dubai.
“Maaha markii ugu horeysay ee xayawaan noocan oo kale ahi gacanta u galaan dadka tahriibiya xayawaanka, balse waa markii ugu horeysay ee la kashifo tahriif noocan oo kale ah” sidaa waxa yidhi Richard Bailey oo u shaqeeya urur ka hawl-gala Muqdisho oo la yidhaahdo Albany, kaas oo heshiis tababar xidhiidhka dadweynaha ah kula jira ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Muqdisho.
Mike Stock oo ah madaxa hay’adda Bancroft ee hadda gacanta ku haysa dhalaha libaaxyada ee Somaliland laga tahriibiyey ayaa ka hadlay qorshaha ay ugu talo-galeen labadan caga-baruur, waxaanu yidhi: “Qorshuhu wuxuu yahay in (Madaxweynaha Somalia) Sheekh shariif uu siin doono dhalahan libaaxyada (Madaxweynaha Uganda) Museveni, ilaa inta ay Somalia awoodi doonto inay dib u soo ceshato.”
Waxa kale oo uu Mike Stock sheegay inay la soo xidhiidheen qolo la yidhaahdo Smithsonian si ay u eegaan in dhalahan Libaaxu ay suurta-gal tahay in loo isticmaalo barnaamij waxbarasho.
Ugu dambayntii madaxa Bancroft, Mr. Mike Stock waxa uu sheegay in dhalahan libaaxa oo jiray saddex bilood oo keliya ay saddexdii maalmoodba cunaan neef Ri’ ah.
Sida ay Saxafi u xaqiijiyeen xubno xog-ogaal u ahaa tahriibinta labadan cago-baruur ayaa sheegay in libaaxyadan Markabka siday laga saaray dekedda Berbera, kadib markii ay diideen shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadyadoodu tagaan dalka Imaaraadka Carabta. Waxaanay ilahani xuseen in muddo dheer ay libaaxyadani ku silcayeen magaalada Berbera loona la’aa wax loo saaro dhinaca Dubai, iyagoo mararka qaarkood ku sigtay inay dhintaan, hase yeeshee markii dambe loo helay in lagu tahriibiyo Markab u socday dhinaca Dubai, balse taraansit ku ahaa magaalada Muqdisho ee dalka ay Somaliland jaarka yihiin ee Somalia.
Si kasta ha ahaatee ugaadha iyo xayawaanka duur-joogta ah ee Somaliland ayaa faro baas lagu hayey sannadihii u dambeeyay, waxaanay dhalahani ka mid yihiin kumanaan xayawaanka dunida ka sii dabar-go’aya ee sida sharci-darrada ah looga tahriibiyo Somaliland, waxaana wakhtigan xukuumadda Somaliland looga baahan yahay inay dalbato in dib loogu soo celiyo labadan cago-baruur ee dalkeeda sida sharci-darrada ah looga tahriibiyey.
Maaha markii u horeysay ee libaaxyo dalka laga tahriibinayo la qabto, balse marar badan ayaa sidan oo kale loogu qabtay libaaxyo iyo noocyo kale oo ka mid ah ugaadha iyo xayawaanka duur-joogta ah oo laga dhoofinayo dekedaha Saylac, Lughaya iyo xataa dekedda Berbera iyo sidoo madaarada dalka.