Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Halkan Ka Akhriiso WArGAYSGA OGAAL!!!Itoobiya maxay ka tidhi in dib loo celiyo muwaadiniinteeda Somaliland ku sugan? Safiirka Itoobiya u jooga Somaliland oo ka hadlay sida uu u arko Hees lid ku ah dalkiisa oo Raadyow Hargeysa baahisay “Khasab laguma celin karo Itoobiyaanka jooga Somaliland sida aan…” Ambasador Berhe Tesfaye…………WARAYSI GAAR AH “Way dhici kartaa in ashkhaas aan waxgarad ahayn qof ama laba dhibaateeyaan, laakiin…”

Itoobiya maxay ka tidhi in dib loo celiyo muwaadiniinteeda Somaliland ku sugan?

Safiirka Itoobiya u jooga Somaliland oo ka hadlay sida uu u arko Hees lid ku ah dalkiisa oo Raadyow Hargeysa baahisay

“Khasab laguma celin karo Itoobiyaanka jooga Somaliland sida aan…”

Ambasador Berhe Tesfaye…………WARAYSI GAAR AH

“Way dhici kartaa in ashkhaas aan waxgarad ahayn qof ama laba dhibaateeyaan, laakiin…”

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- Safiirka dawladda Itoobiya u jooga Somaliland Ambasador Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in dawladda Somaliland aanay wax xidhiidh ah kala yeelan qorshe ay ku doonayso inay dib ugu celiso qaxoontiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxay dhowaan caddaysay inay ku hawlan tahay sidii ay dalkooda dib ugu celin lahayd Itoobiyaanka tirada badan, gaar ahaan Oromada sharci-darrada ku jooga dalka, kuwaasoo ay sheegtay inay dhibaatooyin badan ku hayaan muwaadiniinta iyo guud ahaan dalka.

Hase yeeshee, Danjiraha Itoobiya u jooga xafiiskooda Hargeysa oo uu Wargeyska Ogaal shalay waraysi gaar ah la yeeshay, waxa uu sheegay in aan qaab khasab ah lagu celin karin dadka Itoobiyaankaah ee hadda ku sugan Somaliland.

Mr. Berhe Tesfaye waxa uu sheegay in dawladiisu wax cabasho oo ku saabsan hees lid ku ah Itoobiya oo todobaadkii hore Raadyow Hargeysa baahisay aanay u gudbin Xukuumadda Somaliland, hase yeeshee waxa uu xusay in baahinta heestaasi ay muujinayso masuuliyad-darrada madaxda idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa, wuxuuna waraysigaas oo dhamaystirani u dhacay sidan;

S: Safiir, maxaad ka jira qoraal la sheegay in dawlada Itoobiya u qortay xukuumadda Somaliland oo ay kaga cabanaysay hees lidi ku ah oo laga baahiyey Radio Hargeysa?

J: Mahadsanid, ugu horeyn ma jirto wax qoraal ama hadal ah oo xukuumadda Itoobiya u soo gudbisay Somaliland oo ku saabsan heesta la sheegay in laga baahiyey Radio Hargeysa, xidhiidhka qotodadheer ee u dhexeeya labada shacab ee Itoobiya iyo Somalilandna maaha mid waxyaabo hees lidi ah ama wax la mid ah toona ay dhaawici karaan ama bedeli karaan. Waan maqlay heesta la sheegay, laakiin waxaan odhan karaa waa masuuliyad-daradda madaxda Radio Hargeysa, hadday cidi canaan ama eed ku yeelanaysana waa masuuliyiinta ku shaqada leh.

S: Dhowaan waxa urur ay leeyihiin qoomiyada Oromada oo ka dhisan Ingiriisku sheegeen in tacadiyo loo geysto Oromada ku sugan Somaliland, maxaad kala socotaa, sidee ayaad hadalkaa u aragtaa?

J: Ma maqal warkaa in Oromada lagu waxyeeleeyo Somaliland, mana jirto wax tacadi ah oo loo geysto dadka Itoobiyaanka ee ku nool Somaliland. Way dhici karta in ashkhaas aan waxgarad ahayn dhibaateeyaan qof ama laba sida dhowaan gabadh ku dhacday, laakiin wax si gaar ah loogu geystay ma jirto. Warka hadaanay faafin dad ka soo jeeda ONLF oo labada wadan midna wanaagooda aan wadin, qof xil-kas ahi waxaan jirin ma sheegeen, waa dad aan si waafi ah u qiimayn iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada shacab.

S: Maxaad kala socotaa go’aan dhowaan dawladda Somaliland ku sheegtay inay dib ugu celin doonto dadka Itoobiyaanka ee ku dhaqan Somaliland dalkooda, wax xidhiidh ah xukumadd Somaliland ma idin kala yeelatay arrintaas?

J: Wax xidhiidh ah noocu doono oo xukuumadda Somaliland nagala soo yeelatay ama noola soo socodsiisay go’aankooda celinta dadkaa Itoobiyaanka ee ku nool Somaliland ma jirto. Xukuumadda Somaliland iyadaa u madaxbanaan go’aamadooda, laakiin waxa wanaagsanayd inay xidhiidh nagala soo sameeyaan sidii la iskaga kaashan lahaa. Waa hawl baaxad leh sidii iyo qorshayntii xilligii ku haboonaa ee la celin lahaa, looguna diyaarin lahaa goobihii lagu celin lahaa. Waa hawl aanu iska kaashan karno sidii xal looga gaadhi lahaa.

S: Fikriyan sidaad u aragtaa go’aanka la xidhiidha in dadka Itoobiyaanka ah Somaliland ku sugan lagu celiyo dalkooda?

J: Horta, sidaan kuugu soo sheegay go’aan kastoo xukuumadda Somaliland ka gaadhayso arrimaha gudahooda iyagaa u madaxbanaan, laakiin waxa muhiim ah ogaanshaheeda inaan qofna si khasab ah dal kale ugu celin karin dalkiisa hooyo, isagoo qofkaasi sidaa doorta mooyee. Sida xukuumadda Itoobiya aanay khasab ugu soo celin karin

dadka Somaliland u dhashay ee ku nool dalkeeda, ayaan sidaa oo kale dadka Itoobiyaanka ee ku nool Somaliland khasab loogu celin karin haddii aanay iyagu sidaa dooran, sida xeerarka caalamku dhigayaan.

Way dhici kartaa in dad rabshado iyo falal kale oo amaanka Somaliland xumaynaya si khasab ah loogu masaafuriyo dalkooda Itoobiya, iskana kaashadaan labada dal in dadkaa si khasab ah loo masaafuriyo, laakiin guud ahaan dalna si khasab ah dalkooda ugama masaafurin karo muwaadiniin dal kale u dhashay, si doonistooda ka baxsan.

“Cid Isgaadhsiinta Kooto loogu xidhayaa ma jirto oo Shirkadduhu way u sinaanayaan fursadaha jira, Xeerka Isgaadhsiintuna…”

Guddoomiyaha guddiga Shuruucda ee golaha Wakiilada….WARAYSI

“Madaxweynuhu lifaaqa hore muu soo saxeexine, maamulka Madaxtooyada uun baa soo saxeexay, dabadeedna waxa go’aan lagu gaadhay in…” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha guddiga Shuruucda, Distoorka, Caddaalada iyo Xuquuqal-insaanka ee golaha Wakiilad Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere), ayaa faahfaahin ka bixiyay xeerka Isgaadhsiinta oo muddooyinkii u dambeeyay dhawr jeer u kala gudbay golahooda iyo Madaxtooyada.

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Shuruucda ee golaha Wakiilada oo ay waraysi la yeelatay shabakadda wararka Internet-ka ee Somalidiasporanews, waxa uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay Madaxtooyadu kaga hadashay lifaaqa wax-ka-bedelka xeerkaas oo ay todobaadkan markale u gudbisay golahaas oo haatan doodiisu ka socoto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere waxa uu xusay in lifaaq Madaxweynuhu raaciyay xeerkaas oo golaha wasiiraduna isku raaceen ay ka mid yihiin qodobo meesha ka saaraya heshiisyada Kootada ee Xukuumaddu gashay. “Waa xeerkii maamulka Isgaadhsiinta Somaliland qaybaheeda kala gedisan, sida Internet-ka, Mobile-ka, Landline-ka iyo hadduu Microwaves-ka yahay dhammaantood. Xeerkaasi hore wuu u jiray oo waxbaa samaysnaa, laakiin farsamo ahaan muu dhisnayn, waxaana ku soo biiray farsamooyin cusub oo aan ku jirin xeerarka kale. Markaa Isgaadhsiintii oo dhan, xataa hadday tahay wadashaqayntooda iyo hadday tahay maamulka qaybihiisaa kala duwan xeerkaas baa wada koobaya, waxaana ka maqan oo keliya xeerka Boosaha. Markaa si xeerkaa loo helo, dawladdu beryahanba qiimayn bay ku jirtay, dib-u-eegistaana way soo dhamaysay, golaha ayay u soo gudbisay. Ka dib waxyaabo ayaa ka khaldamay ayay yidhaahdeen, waxayna ka soo daba direen lifaaq ay leeyihiin qodobada qayrul-distooriga ah ee ku jira xeerka aanu idiin soo gudbinay lifaaqaas baa ka saaraya. Laakiin, Madaxweynuhu lifaaqa muu soo saxeexine, maamulka Madaxtooyada uun baa soo saxeexay, dabadeedna Madaxtooyadaa lagu celiyay lifaaqii, ka dibna isagoo saxeexan baa la keenay. Midda kale, iyagoo markii hore guddiga loo dhiibay oo ay ka soo shaqaysay buu lifaaqaasi yimi, ka dibna waxa go’aan lagu gaadhay in lifaaqa iyo xeerkaba Xukuumadda lagu celiyo, markaa Xukuumaddu way isku soo gurtay oo lifaaqii ay marka hore soo qortay bay xeerka soo gelisay oo way soo gudbisay, sidaas baana golaha loogu qaybiyay,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha guddiga Shuruucdu waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha Madaxweynuhu kaga hadlay lifaaqa xeerkaas iyo qodobada uu golaha Wakiilada ka dalbaday in xeerka Isgaadhsiinta laga saaro. “Xukuumaddu waxay lifaaqa kaga hadashay 6-7 qodob oo ay tidhi waxbaa ka khaldamay, sida qodobada 1aad, 3aad, 71aad iyo qodobo kale oo caynkaas ah oo ay leeyihiin waa Qayru-distoori ee lifaaqa halagu saxo. Markaa warqadaa Madaxweynuhu soo qoray waxna xeerka way ka saartay oo waxay leedahay Distoorkuu ka hor imanayaaye halaga saaro, waxna waxay leedahay halagu kordhiyo, waxna halagu kaabo oo xeerka qoraalkiisa hore halagu kobciyo ayuu leeyahay, markaa lifaaqu wuxuu leeyahay khalad xeerka ku jiray halaga saaro,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Mar la waydiiyay in ujeedada Xukuumaddu ka leedahay xeerkani ay tahay mid soo noolaynaysa murankii Isgaadhsiinta ee 2006-kii iyo inuu qorshaheedu yahay in laga fa’iidaysto khaladaadkii hore, lana hagaajiyo xeerkaas, waxa uu sheegay in haatan ay soo kordheen qaybo cusub oo Isgaadhsiinta ka mid ah, taasina ay keentay dardar-gelinta sidii loo heli lahaa xeer lagu hago Isgaadhsiinta dalka. “Waxa jira qaybo cusub oo soo biiray oo ka mid ah Isgaadhsiinta, sida Kaybalka Badda (Fiber-optic Cable) ee la leeyahay imika hala soo dhigo oo isaguna ah wax cusub oo imika soo kordhay. Markaa khilaafyadu mar walba way jiraanoo, waxa jira in shirkaddaha ay mid waliba gaarkeeda u shaqaysato oo qofka ay ku kelifto inuu dhawr Telefoon qaato oo isku-xidhkii ka maqan yahay, khilaafka

ugu badan ee jirayna laba arrimood buu ahaa oo kala ah; Cashuuraha oo la odhan jiray Cashuurtii lagu lahaa (Shirkaddaha Isgaadhsiintu) ma bixiyaan iyo la labaad oo ahayd Inter-connection-kii (Isku-xidhkii) oo ay ku heshiin waayeen, labadaas baana ugu waawaynaa dhibaatooyinkii jiray ee saamixi waayay in tanaasul la sameeyo oo xeerku soo baxo. Sidaa aawadeed, dabcan farsamo cusub baa jirta oo waxa laga yaabaa in la isku-xidhi karo shirkaddaha iyo sidoo kale Cashuurihii oo ay qayb ka yihiin inay iyaguna yidhaahdaan marka horeba Cashuuraha hala bixiyo, markaa waxaan is leeyahay isku soo dhowaansho badan baa jira,” ayuu yidhi. “Heshiis iyaga (shirkaddaha) ka yimaada ayuun buu isku-xidhku ku samaysmayaa oo waa in iyagu ka heshiiyaan…Waxay ka heshiinayaan qiimaha ay kala qaadanayaan, markaa waxay ku heshiiyaan uun baa xeerka lagu soosaarayaaye, xoog uu xeerku wax ku dejinayaa ma jiraan, taasna waxaad moodaa inay iyaga laftoodu maanta diyaar u yihiin in tanaasulkaa ay sameeyaan oo ay ka wadahadlaan,” ayuu raaciyay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin waxa kale oo uu sheegay in lifaaqa Madaxtooyadu soo raacisay xeerka Isgaadhsiinta ay ka mid yihiin qodobo ay golaha kaga dalbatay sidii la isu waafajin lahaa qodobada Distoorka iyo heshiiska xadhiga Badda hoosmara ee ay Xukuumaddu u saxeexday shirkadda Somcable. “Waxyaabaha markii hore xeerka lagu soo gudbiyay ee kootaynta noocaas oo kale ah sheegaysay, waxyaabaha lifaaqa laga soo daba diray bay ka mid tahay, waxyaabihiina waa laga saaray oo waxa qodobada ka mid ah oo tusaale ahaan qodobka koowaad la raaciyay waxyaabihii aan Distoorka ka horimanayn, qodobada kale qaarkoodna waa tii lahayd shirkaddu haka wakiil noqoto meelahaa shirarka caalamiga ah ee shirkaddaha, tiina wasaaradda (Boosaha iyo Isgaadhsiinta) ayaa wakiil ka noqonaysa iyo cid aan dan ka lahayn oo ay u wakiilan karaan, sababtoo ah haddii cid dan ka leh la yidhaahdo shirkaddahaa wakiil haka noqoto, dabcan dee dan gaar ah bay yeelanaysaa oo khilaaf baa imanaya, maadaama shirkaddihii kalena danaynayaan. Markaa hadday wasaaraddu damacdo inay cid u wakiilato, waa inay noqoto cid aan dani kaga jirin, si aanay Kooto (monopoly) ugu ekaanin,” ayuu yidhi guddoomiyaha guddi-hoosaadk Shuruucda, Caddaalada iyo Xuquuqal-insaanka golaha Wakiiladu. “Badhna waatan lagu saxay xeerka oo qodobadii Kootada lagu siinayay (SOMCABLE) waakan lifaaqu ka daba yimi oo waa laga saaray, wixii ka dhiman ee dhaqdhaqaaq ahna ma noqon doonaan Kooto, balse waxay noqon doontaa in shirkadduhu u sinaadaan fursadaha jira, haddii kale qayral-distoori bay noqonaysaa, sababtoo ah Distoorka Somaliland wuxuu sheegayaa in fursad kasta loo tartamo oo cidii markaa ku guulaysataa ay hesho, laakiin cid Kooto loogu xidhayaa ma jirto,” ayuu yidhi mar la waydiiyay in is afgarad laga gaadhay in meesha laga saaro heshiiskii 25 sannadood Xukuumaddu kootada ugu xidhay shirkadda Somcable inay ka ganacsato xadhiga Badda hoosteeda mara ee Fiber Optic.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobada Distoorku u jideeyay ganacsiga dalka, wuxuuna xusay in muhiimad koowaad tahay ilaalinta sharciga. “Waxaanan filayaa in aanay golaha ka gudbaynin wax qayral-distoori ahi,” ayuu raaciyay. Wuxuuna rejo wanaagsan ka muujiyay qaabka uu dib-u-habaynta xeerkaasi kaga gudbi doono golaha. “Wuxu hadduu Distoori yahay oo uu Distoorka ku cadyahay muranku waa inuu iska hadho, sababtoo ah wixii farsamooyin ah iyo waxyaabaha kale ayuu muranku ka iman karaa, waxaanan qabaa qofka muwaadinka ah ee maanta joogaa in wixii Distoorkiisu dhigayo aanu ka hor imanaynin, taas baanan anigu ku kalsoonahay, qof is indho-tiraya mooyaane, sababta uu isku indho-tiraya ma garan karo oo ma sheegi karo. Laakiin, kollay culaysyo goleyaasha (Baarlamaanka) saarani way jiraan, Xukuumadda lafteedana culaysyo laba-dhinacood ah baa saaran. Balse, waxay arrintu u dhici doontaa waxa weeye, in dadkan loo ilaaliyo document-kii ay heshiiska ku gaadheen ee ah Distoorka, kaasi wuxuu yidhaahdo uun baanay noqonaysaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo la waydiiyay in xeerkani ka dhex abuuri karo mudaneyaasha golaha Wakiilada, isla markaana soo noolayn karo murankii Isgaadhsiinta ee sannadkii 2006 ka oogmay Somaliland.

Agaasimaha Hay’ada UNODC oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Xabsiga Hargeysa oo markii 2aad ay xadhiga ka jartay hay’ada UNODC iyo hadalada laga jeediyay munaasibad loo sameeyay

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- Agaasimaha guud ee hay’ada UNODC oo ka shaqaysa la dagaalanka Budhcad-baddeeda Mr. Yury Sedotov, ayaa kormeer ku soo maray Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa iyo maxkamadda Sare ee Somaliland.

Kormeerka Agaasimaha hay’ada UNODC iyo socdaalkiisa Somaliland, waxa uu la xidhiidhaa furitaanka Xabsiga oo markii labaad shalay xadhiga laga jaray.

Masuulkan oo kormeerkiisa ay ku wehelinayay safiirka dalka Seychelles u fadhiya dalka Koonfur Afrika iyo xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirada Kalluumaysiga, Caddaalada, Beeraha iyo hogaanka ciidanka Asluubta, waxa uu kormeerkaas ku maray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Xabsiga magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan Xabsiga, gaar ahaan qaar u xukuman Budhcad-baddeednimo, kuwaasoo ay ka codsaday xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha ka shaqeeya la-dagaalanka dhinaca Budhcad-baddeednimada in loo diro gobollada ay u dhasheen, iyagoo tilmaamay inay ka soo jeedaan deegaanka Punland.

Mr. Yury Sedotov oo socdaalkiisa uu ku yimi Hargeysa ay ku wehelinayeen in ka badan 20 saxafi oo ka socda wakaaladaha wararka caalamka, waxa uu Somaliland ku amaanay inay samaysatay sharciga lagaga hortago ama lagula dagaalamo Budhcad-baddeeda oo muddooyinkii u dambeeyay caalamka saamayn balaadhan ku yeelatay. Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha guud ee hay’ada UNODC iyo safiirka ka socday dawlada Seychelles ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kulankaas oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada, waxa uu Madaxweynaha oo ka hadlay uu mahadnaq u soo jeediyay weftiga uu hogaaminayay Agaasimaha hay’ada UNODC iyo safiirka dalka Seychelles u fadhiya Koonfur Afrika, isagoo Madaxweyuhu tilmaamay inay diyaar u yihiin beesha caalamka kala shaqeeyaan oo ay iska kaashadaan la dagaalanka budhcad-baddeeda. “Somaliland waxay door weyn ka qaadanaysaa inay kala shaqeyso beesha caalamka xafiiska UNDOC iyo xafiisyada kaleba la dagaalanka budhcad badeedka. Waxaanu xabsiyada ku haynaa maxaabiis tiro badan oo falal budhcad badeednimo u xidhan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Agaasimaha Ha’yada UNDOC Yury Fedotov oo ka hadlayay socdaalkiisa Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaan indhahayga ku arko Jeelkan Hargeysa oo dhismihiisu yahay mid u qalma heerarka caalamiga ah. Waxaanu xukuumadda Somaliland ka caawin doonaa kor u qaadida hanaanka cadaaladda. Anagoo tababaro siin doona laamaha cadaaladda. Waynu ka warqabnaa in budhcad badeedku ay culays ku hayso gobolka (Mandaqada), waxaana muhiim ah inaynu wada jir wax uga qabano la dagaalanka Budhcad badeedka.” ayuu yidhi agaasimuhu.

Ugu dambayntii, waxa weftiga munaasibad loogu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, xafladaas oo lagu tilmaamay inay tahay mid xadhiga lagaga jarayo Xabsiga Dhexe ee magaalada oo xukuumadda Somaliland ay hore xadhiga uga jartay, waxaana khudbado ka jeediyay munaasibadaas wasiirrada Daakhiliga iyo Caddaalada Somaliland.

Wasiirka wasaarada Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ku dheeraaday dhibaatada ay Budhcad-baddeedu ku hayso geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, waxaanu wasiirku ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Budhcad-baddeedu inay ka caawiyaan Somaliland dhinaca tabobarada ciidanka ilaalada Xeebaha iyo dhisida ciidamadaas.

Wasiirka wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Ismaaciil Muumin Aar, ayaa isaguna sheegay in xabsiga Hargeysa aan loogu talogalin in lagu xidho budhcad-baddeeda Soomaalida ee laga soo qabto baddaha ay ka ugaadhsadaan, waxaanu wasiirku tilmaamay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xabsiga Hargeysa loo dhisay Budhcad-baddeed in lagu hayo, balse waxa uu wasiirku xusay in hay’ada ka shaqaysa la-dagaalanka budhcad-baddeeda ee UNODC ay qayb ka mid ah ka caawisay dibu-dhiska Xabsiga dhexe.

Hargeysa: Guddoomiyihii hore ee ururka Hilibleyaasha Nafaqo oo sheegay inuu isku-day dil ka badbaaday

“Waxa igu dhacay weerar isku-day dil ah, dhamaan dadkii meesha joogayna…” Siciid Ibraahim Faarax

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- Guddoomiyihii hore ee ururka Nafaqo ee Hilibleyaasha Hargeysa Mr. Siciid Ibraahim Faarax, ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerar isku-day dil ah oo shalay lala beegsaday.

Guddoomiyihii hore ee Nafaqo oo xalay qoraal arrintaas ku saabsan soosaaray, waxa uu sheegay in weerarkaas lagu soo qaaday uu dhacay duhurnimadii shalay, xilli uu ku sugnaa xaafadda Total ee degmada Maxamuud Haybe. Qoraalkaas oo Mr. Siciid Ibraahin Faarax kaga hadlay cida u aanaynayo inay ku lug leedahay falkaas iyo sidii

weerarkaasi u dhacay, waxa uu u dhignaa sidan; “Waxa igu dhacday weerar isku-day dil ah maanta (shalay) 1:30 Duhurnimo anigoo taagan Total, gaadhiguna bakhtiisan yahay ayaa laba baabuur oo MarkII ah uu midna xaga dambe iga duqeeyay, midna xaga hore igaga yimi oo uu igu dhuftay gaadhigii aan saarnaa xaga hore. Markay intaasi dhacday waxa isla markiiba ay igu bilaabeen rasaas, iyagoo si toos ah ii tooganay, laakiin Illaahay baa i bixiyay, mana garanayo waxa la ii dilayay ee assassination-ka intaas leeg la iigu sameeyay. Ka dib markii aan waraystay dadkii meesha joogay inay cid ka garteen waxa la ii xaqiijiyay in ciidan nimankan baabuurta igu duqeeyay la socday oo dhamaa 4 askari ay ahaayeen Ciidankii Dawlada Hoose, meesha aan joogayna waa Total badhtankeeda, dhamaan dadkii meesha joogayna waa la waydiin karaa markhaatigaas, waanay furayaan arintaas. Sidaa daraadeed, waxaan halkan kaga codsanayaa dhamaan masuuuliyiinta nabadgelyada gobolka qaabilsan inay arrintaa si degdeg ah wax uga qabtaan, waayo; waxa la ii isticmaalay rasaas iyo gaadiid la igu duqeeyay oo ah gaadiid shicib leeyahay oo laba ah. Waxaan u arkaa in dil la ila beegsaday, waxaanan qabaa arintaas inuu ku lug leeyahay Maayarka Caasimadda, sababtoo ah ciidanka oo ah ciidankii dawlada Hoose ma garanayo intaa wax dhaafsiisan, cid kasta oo arintaasi khusaysona waxaan ka codsanayaa inay degdeg wax uga qabtaan weerarkaa dilka ah ee Hargeysa badhtankeeda la iigu geystay. Waxa kale oo jira in dad la qabqabtay ka tirsan Hiliblaha oo lagu eedaynayo inay ka hadleen arin ku saabsan suuqa Waaheen oo beryahan la isku haystay in dushiisa la dhiso oo la siiyo nin shicib ah, arrintaasina dadka suuqaas degan way la xumaatay, shirkadda Daryeel oo is tidhi fuudhi oo dushiisa fuushayna way ku qayliyeen, iyagoo arintaa ka hadlayana waxay u warameen warbaahinta, cabashadoodana ay u bandhigeen, gaar ahaan HCTV oo aan aniguna ka daawaday. Laakiin, waxa ila soo hadlay qaar ka mid ah ilaalada Maayarka oo i weydiiyay inaan anigu dadkan shirkaas qabtay kamid ahaa, waanan u sheegay in aanan haba yaraatee arkin meel xitaa lagu shiray iyo warbaahin aniga wax iga qortay toona jirin. Waxaan moodayay in intaas ay ku dhamaatay, balse markaan eego sida ay maanta wax u dhaceen, waxaan u arkaa in Maayarku u qaatay inaan anigu dadkaaas abaabulay, mana jirto cid arrintaas igu aragtay, waana la heli karaa cajaladii la duubay la sii daayay. Anigu xitaa suuqaa Hiliblaha maan dhex tegin 6dii bilood ee u dambeeyay, haddii ay arintu taas noqotana waxaan halkan ka cadaynayaa inaan milad iyo markhaatiba ku cadayn karo in aanan arintaas anigu shakhsiyan ku lug lahayn. Waxa kale oo aan rajaynayay haddii ay jirto cid eedayn ama dambi ii sheeganaysa inay ii soo mari lahayd dariiqa sharciga ah, balse weerarkan bahalnimada ah iyo dilkan badheedhka ah, waxaan u sheegayaa dawlada gaar ahaan wasiirka Arrimaha Gudaha.”

Xubno wasiiro ah oo safar ugu baxay dalka Ingiriiska iyo ujeedada socdaalkooda

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- Wefti ka socday Xukuumadda Somaliland oo uu horkacayo wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa socdaal ugu kicitimay dalka Ingiriiska.

Weftigan oo ka kooban wasiirrada Arrimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar, Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, waxayna shalay gelinkii hore ka dhoofeen Madaarka Hargeysa.

Wasiirka Arrimaaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed oo weftigaas hogaaminayay, ayaa ka waramay ujeedada socdaalkooda, isagoo tilmaamay inay martiqaad ka heleen wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay inay ka qaybgalayaan shir laba geesood oo ay Somaliland iyo dalka Ingiriisku kaga wada-hadlayaa arrimo la xidhiidha dhianaca horumarka iyo dhaqaalaha.

Wasiirka oo intii aanay ka dhoofin madaarka Hargeysa warbaahinta la hadlay, waxa uu tilmaamay in shirkaas ay kasoo qaybgalayaan maalgashadayaal Ingiriis ah, kuwaasoo uu sheegay inay u soo bandhigi doonaan baahiyaha dhaqaale ee Somaliland. “Safarkan aanu maanta (shalay) ku tageyno aniga iyo laba xubnood ka tirsan wasiirada Somaliland, waxa uu ka dambeeyay marti-qaad wasaarada arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska, waxaananu ka

qaybgalaynaa shirar loogu talogalay xaga kobcinta dhaqaalaha iyo maalgeshiga oo ay xukuumadda Ingiriisku soo abaabushay, iyadoo la kaashanaysa dawlada Somaliland.” ayuu yidhi wasiirku

Shirkaasina waa mid u dhexeeya Somaliland iyo dawlada Ingiriiska, waxaana la filayaa inay ka soo qaybgalaan dad badan oo maalgshadayaal ah iyo wadamo kale oo danaynaya dhaqaalaha dalka Somaliland, waxaananu shirarkaa ku soo qadimaynaa ilaha dhaqaale iyo khayraadka dabiiciga ah ee uu leeyahay dalka Somaliland oo aanu u soo bandhigi doono kooxaha maalgashadayaasha ah ee ka socda dalka Ingiriiska iyo meelaha kaleba.” ayuu raaciyay hadalkiisa wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE oo baaq ka soo saaray Abaaraha dalka ka taagan

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa baaq ka soosaaray xaalada abaaraha ee haatan dalka ka taagan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo Xoghayaha guud ee KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige soosaaray, xisbigu waxa uu baaq u jeediyay hay’addaha dawliga ah, kuwa madaxabanaan iyo madaxda gobollada iyo Maayarada dalka, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Waxaa waqtigan xaadirka lagu guda jiraa waqti abaartu ay fara kulul ku hayso dadka iyo duunyada labadaba, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha.

Xisbiga Kulmiye wuxuu Ilaahey ka baryayaa inuu ummada Somaliland usoo shubo raxmaad kheyr qaba, kana saaro dhibaatada ay abaaruhu ku keeneen. Xisbiga Kulmiye wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha dawliga, kuwa madaxa bannaan iyo dhammaan mas’uuliyiinta gobolada iyo degmooyinka dalka( gaar ahaan Badhsaabada iyo Meeyarada) inay laban laabaan biyo dhaamiska iyo taakuleynta shacabka iyo xoolaha.

Ugu dambeynta Hogaanka Xisbiga Kulmiye wuxuu mar labaad Ilaahey ka baryayaa inuu raxmaadkiisa u shubo shacabka Somaliland, si dhakhsa ahna uga saaro culayska ay ku hayso abaartu.”

Muwaadiniin sheegay in Garsooreyaal ay ka cabanayeen dib loogu dhiibay inay ka garnaqaan dib-u-eegista dacwadooda

Hargeysa 30, March 2011 (Ogaal)- “Weli sheeko iyo shaahid maanu arkin maxkamad garsoorayaashii aad ka cabanaysay haddana iyagii lagu yidhaahdo dib u eegista ula tag,” sidaa waxa yidhi Maxamed Xaamud Aw Aadan iyo Ibraahim Maxamed Nuur oo cabasho ka muujiyay sida loo maamulay dacwado hay’addaha Garsoorku gacanta ku hayeen.

Muwaadiniintan oo shalay u waramay weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal, waxay sheegeen in dib u eegis ay guddida dib-u-eegista dacwadaha Maxkamadda Sare ugu gudbiyeen xukunka dacwada MS/11/2008 ee ku taariikhaysnayd 30/11/2010 ay mar kale ka soo saareen go’aan ay ku diideen asbaabta dib-u-eegistooda garsooreyaal ay ku jiraan kuwii ay hore uga cabanayeen.

Maxamed Xaamud aw Aadan ayaa sheegay in afar garsoore oo hore u diiday asbaabta rafcaankooda ay mar kale ku jireen todoba garsoore oo mar kale diiday asbaabta dib-u-eegistooda. “Afar garsoore oo hore u diiday rafcaankayagii ayaa mar kale haddna lagu da todoba garsoore oo soo saaray go’aan ay ku diideen dib u eegistayadii, sidee garsooreyaashii aanu ka cabanaynay loogu dhiibaa cabashadayadii?,” ayuu yidhi.

Muwaadiniintani waxay ka codsadeen Madaxweynaha Somaliland inuu wax ka qabto cabashooyinka ka taagan Garsoorka dalka oo hore u ballanqaaday in xukuumadiisu wax ka qaban doonto.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa soo noqnoqonayay cabashooyin muwaadiniin reer Somaliland ahi ka muujiyeen waaxda Garsoorka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com