Kal-Fadhigii 43-Aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta La Soo Gabagabeeyay Iyo Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Digay Shirqoolada Siyaasadeed Ee Qaramada Midoobay Ku Mijaxaabinayso Madaxbanaanida Somaliland.
Kal-Fadhigii 43-Aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta La Soo Gabagabeeyay Iyo Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Digay Shirqoolada Siyaasadeed Ee Qaramada Midoobay Ku Mijaxaabinayso Madaxbanaanida Somaliland.
Hargeysa ( maantasomaliland) Ap. 2, 2011 – Kal-fadhigii 43-aad ee golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyada oo goluhu uu gali doono fasax labada bilood ah oo ka bilaabmaya maanta.
Fadhigii maanta golaha oo uu guddoominayay guddoomiyaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay ka soo xaadireen lixdan mudane oo ka mida laba iyo sideedtan xildhibaan ee uu goluhu ka kooban yahay, ayaa lagaga dhawaaqay in golaha guurtidu uu fasax galay muddo la bilood ku siman, iyada oo ay mudanayaashu fasaxa ka soo laaban doonaan horaanta bisha June ee sannadkan.
Fadhigan waxa uu shir-guddoonku ku soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadka golaha intii u socday kal-fadhigu, waxaana uu guddoomiyuhu ka waramay dadaaladii uu goluhu ka galay nabadaynta beelaha ay dhexmareen khilaafyadu , isla markaana xog-wareysiyo la yeeshay wasiiro xukuumada ka tirsan iyo arrimo kale.
Md Saleebaan waxa uu sheegay in lagu guulaystay damninta dagaaladii ka dhacay Ceel-Bardaalle iyo Kalshaale oo goluhu guurtidu qayb weyn ka qaatay soo afjaridoodii, isla markaana lagu guulaystay in heshiis nabadeed la dhex dhigo beelaha walaalaha ee colaaduhu ay ka dhex oogmeen.
Waxa uu sheegay in muddadii uu socday kal-fadhigu ay golaha hor yimaadeen wasiirada wasaaradaha, waxbarashada, cadaalada iyo macdanta iyo biyaha oo wax laga waydiiyay hawlaha shaqo ee wasaaradaha ay madaxda ka yihiin, isla markaana ay golaha faahfaahin ka siiyeen waxqabadkooda.
Waxa kale oo uu guddoomiyuhu ka hadlay shirqoolo uu sheegay in ay yihiin qaar halis ku ah madaxbanaanida Somaliland oo ay wado Jimciyada Quruumaha ka dhexaysaa, isaga oo ka digay in ay saamayn ku yeelan doonaan haddii aan la samayn dadaalo lagaga hortagayo shirqooladaas, waxa uu sheegay in ergayga gaar ah oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya Dr Augustine P Mahiga oo ku hawlan yahay arrimo ku halisa qaranida Somaliland, iyada oo xataa ay ka biyo diideen qorsheyaashiisa xukuumada TFG-da iyo Puntland.