April, 02, 2011-(maantasomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray ogolaansho u siiyay shirkadaha Dahabshiil iyoTelesom hirgelinta wershad sibidh oo labaad inay ka dhisaan magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
April, 02, 2011-(maantasomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray ogolaansho u siiyay shirkadaha Dahabshiil iyoTelesom hirgelinta wershad sibidh oo labaad inay ka dhisaan magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
Digreetadan uu Madaxweyne Silaanyo soo saaray waxa uu fasax u siiyay shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom inay maalgeliyaan dhismaha wershad sibidh oo labaad oo aan ahayn tii hore , sidoo kale wuxuu qoraal wargelin ah u diray ganacsatadii uu Madaxweynihii hore ruqsada u siiyay kicinta wershadii hore oo uu ku wargeliyay Madaxweyne Silaanyo inay kiciyaan wershaddii hore oo ah hanti qaran, waxaannuu Madaxweynuhu qoraalkiisa ku xusay in la qiimeyn doono inta maanta ka taagan wershadii hore oo xukuumaddu saami kula wadaagi doonto ganacsatada ku hawlan kicinteeda.
Sidaana waxa shabakadamaantasomaliland ee maqalka iyo muuqaalka iyo qoraalkaba khadka telefoonka ugu xaqiijiyay Nuur Cabdillaahi Beegsi (Cawl) oo ka mid ah ganacsato Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin u ogolaaday inay maalgeliyaan oo kiciyaan wershadii hore ee sibidhka Berbera,
Nuur oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Way jirtaa inuu Madaxweynuhu digreetooyin soo saaray uu ugu ogolaanayo wershad labaad oo sibdidh oo Berbera laga hirgeliyo, taasoo uu digreeto ku siiyay labada shirkadood ee Dahabshiil iyo TELESOM, arrintaasina mid aanu aqbalayno oo suurtagal maaha. Madaxweynaha safarkii uu Berbera ku yimi, ka dib ayuu shirkadayada uu Madaxweynihii hore ogolaanshaha ka haysatay ku soo daray labadan shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil, isagoo aqbalay ogolaanshihii aanu hore u haysanay,taasoo aanu ka aqbalay, arrintii halkaa taagnayd, ayaa waxa fajac nagu noqotay in Madaxweynuhu soo saaro wareegtooyinkan isagoo wershad gaara u ogolaaday labadan shirkadood ee uu hore noo mideeyay, taasina wax soconaya maaha, aqbalinna mayno, annaguna shir deg deg ah ayaanu isugu imanaynaa, waana arriin aanan aqbalayn.
wixii intaa dheerna shirkayaga ka dib, ayaanu soo saari doonaa, mana jecli intaa wax ka badan inaan ka hor dhaco.” sidaa waxa yidhi Nuur Cabdillaahi oo gaadhaanka ku dhuftay go’aanka Madaxweynuhu ogolaanshaha ku siiyay shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom inay wershad sibidh oo labaad ka hirgeliyaan gobolka Saaxil.
Madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa qaar ka mid ah ganacsatada dalka ogolaansho u siiyay inay kiciyaan oo maalgashadaan wershadii sibidhka Berbera oo aan shaqayn in ka badan 20 sano, kuwaasoo ku gudojiray tan iyo wakhtigii ogolaanshaha la siiyay inay kiciyaan, haseyeeshee iyagoo aan weli hirgelin damacoodii ay ku rabeen inay wershada ku kiciyaan, ayay meesha ka baxday xukuumaddii uu hoggaaminayay Madaxwnihii Hore Daahir Rayaale Kaahin iyo xisbiga UDUB.
Balse, Madaxweyne Silaanyo safarkiisii uu ku tegay Berbera waxa uu kulammo la yeeshay kooxda ganacsatada ah ee hore ogolaanshiyaha loogu siiyay inay kiicyaan wershada sibidhka Berbera, waxaana wararku sheegayaan inuu Madaxweynuhu wakhtigaas ku wargeliyay ganacsadaas inuu tixgelinayo rabitaankooda, haseyeeshee uu u gudbiyay magacyada labadan shirkadood ee Dahabshiil yo Telesom inay qayb ka noqdaan kicinta wershada hore.
xasan jaamac
berbera
maantasomaliland