Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Soo Saaray Dhaqan-gelinta Daabacaada Lacagta Cusub ee Somaliland Hargeysa (maantasomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray dhaqan galka daabacaadda lacagta cusub ee noodhka kunka shilin iyo shanta kun ee shilin. Ka dib markii Golaha Wakiilada Somaliland meel mariyay todobaadkii hore.
Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Soo Saaray Dhaqan-gelinta Daabacaada Lacagta Cusub ee Somaliland
Hargeysa (maantasomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray dhaqan galka daabacaadda lacagta cusub ee noodhka kunka shilin iyo shanta kun ee shilin. Ka dib markii Golaha Wakiilada Somaliland meel mariyay todobaadkii hore.
Sidaasi waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan
“Madaweynaha Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-gelinaayo Daabacaada Noodhka Shilinka Somaliland kana Bilaamanta Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.
Markuu Arkay: Qodobka 54aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qoraalada codsiga ah ee Gudoomiyaha Baanka Dhexe,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-14/513/2011, ee Ansixinta Daabacaada Noodhka Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,
Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-galka Daabacaada Noodhka Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.
Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”
waxa uu maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-gelinaayo Daabacaada
Noodadka Shilinka Somaliland kana Bilaamanta Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.”
Xuseen Cabdi Muxumed Xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa