Dadka reer Djabuuti eek u dhaqan Magaalooyinkaasi aynu kor ku sheegnay ayaa maamulada deegaanadaasi u diyaarinayaan sidii ay ugu daad-gurayn lahaayeen dhinaca Djabuuti, si ay uga qayb-qaataan doorashada.
Hargeysa (maantasomaliland) – Magaaladda Boorama iyo degmooyin ka mid ah gobolka Gabilay ayaa laga furay xafiisyo loogu tallo-galay in lagu diiwaangaliyo dadka reer Djabuuti ee doonaya inay doorashada 8-da bishan Djabuuti ka dhacaysa ka qayb-galaan.
Dadka reer Djabuuti eek u dhaqan Magaalooyinkaasi aynu kor ku sheegnay ayaa maamulada deegaanadaasi u diyaarinayaan sidii ay ugu daad-gurayn lahaayeen dhinaca Djabuuti, si ay uga qayb-qaataan doorashada.
Maxamed Wali oo ka mid ah shahksiyaadka ku hawlan diiwangalinta dadla reer Djabuuti oo maanta ka hadlayey xaflad ka dhacday Magaaladda Gabiley ayaa fariin u diray dadka reer Djabuuti ee ku nool labada gobol ee Gabiley iyo Boorama waxaanu u sheegay inay iska diiwaangaliyaan xafiisyadda loo diyaariyey si ay ugu suurto-gasho inay doorashada ka qayb-galaan.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Sheekh Muxumed ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay inay ku dadalayaan inay dadka u abaabulaan sidii dadka reer Djabuuti ee Somaliland ku sugani doorashada uga qayb-dan lahaayeen.
Xuseen Cabdi Muxumed Xarbi