Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 2nd, 2011 Hargaysa (maantaSomaliland.com)- Ku Simaha wasiirka wasaaradda Maaliyadda ahna wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Mudane Warsame Siciid Cabdi iyo guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mr. Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil ayaa maanta xarunta hay’adda shaqaalaha tababar uga furay 67 qof oo ka mid ahaa shaqaalihii wasaaradda maaliyadda ee ku dhacay Imtixaankii laga qaaday shaqaalaha wasaaraddaasi 26-kii bishii December sannadiii 2010-kii.

Shaqaalihii Maaliyada ee Dhacay Imtixaankii Oo loo Furay Tababar Kor Loogu Qaadayo Xirfadooda

April 2nd, 2011
Hargaysa (maantaSomaliland.com)- Ku Simaha wasiirka wasaaradda Maaliyadda ahna wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Mudane Warsame Siciid Cabdi iyo guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mr. Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil ayaa maanta xarunta hay’adda shaqaalaha tababar uga furay 67 qof oo ka mid ahaa shaqaalihii wasaaradda maaliyadda ee ku dhacay Imtixaankii laga qaaday shaqaalaha wasaaraddaasi 26-kii bishii December sannadiii 2010-kii.
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo ka hadlayay furitaankii tababarka xirfadeed ee loo furay shaqaalihii wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in uu ku farax san yahay in uu hir galo tababarkan oo hir-gelintiisu ka go’nayd xukuumadda cusub.
“Waxaa maanta noo suuro gashay hir-gelinta wixii dareenka badani idinkaga jiray ee aad is lahaydeen tolow balan qaadka xukuumaddu ma fuli doonaa oo tababarka ma qaadan doontaan idinka oo mushaharkiiniina qaadanaya, waxaan ku faraxsanahay in maanta taasi inoo hirgashay, waxaana la idiin kala qaybin doonaa laba fasal iyada oo shaqaalihii goboladuna ay halkooda ku qaadan doonaan tababarka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu.
Muxumed Aw Cabdi waxa uu sheegay in tababarkan kor loogu qaadi doono xirfadda iyo aqoonta hawl wadeenada dawladda ee ka gudbi waayay imtixaankii laga qaaday shaqaalaha dawladda.
“Gabay ayay ka mid ahayd, duul baa Sheekh habaaroo, ALLE idn doori buu yidhi, ducana waabay noqotaa, iyaguna way ka diireen. Waxaa laga yaabaa in imtixaankii la idinka qaaday ee aad ka gudbi waydeen uu faa’iido idiin yeesho oo tababar iyo aqoon la idin siiyo idinka oo mushaharkiini qaadanaya. Waxaad ahaydeen shaqaale soo shaqaynayay oo qiimo badan lahaa, la idinmana ilaawi doono.” Ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Warsame Siciid Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda oo dhan laga qaadi doono Imtixaan lagu tijaabinayo xirfaddooda iyo aqoon tooda, waxaanu shaqaalahan uga mahad celiyay in ay ka soo qayb galeen tababarka aqooneed ee loo furay.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Maamulaha Mac-hadka shaqaalaha dawlada Maxamed Mixille Boqorre, waxaanu sheegay inay tababarkan muddo kooban kor loogu soo qaadi doono xirfada shaqaalaha aan ka gudbin imtixaankii shaqaalaha dawlada laga qaaday.
Waxaanu shaqaalahan u soo jeediyay inay niyadda ugu furaan tababarkan isla markaana aanay niyad jabin.
jibriil caato
maantasomaliland
hargays

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com