Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

gobolka Saaxil Oo Laga Bilaabay Uruurinta Cashuur Lagu Soo Rogay Kalluumaysatada Gobolkaas. Berbera (maantasomaliland) Ap.02, 2011 – Maamulka gobolka xeebta ah ee Saaxil, ayaa si rasmi ah u bilaabay uruurinta cashuur cusub oo lagu soo rogay kulluumaysatada gobolkaas, taas oo qayb ka ah dakhli uruurin ay wasaarada maaliyada ka codsatay bishii hore in madaxda gobolada dalka.

gobolka Saaxil Oo Laga Bilaabay Uruurinta Cashuur Lagu Soo Rogay Kalluumaysatada Gobolkaas.

Berbera (maantasomaliland) Ap.02, 2011 – Maamulka gobolka xeebta ah ee Saaxil, ayaa si rasmi ah u bilaabay uruurinta cashuur cusub oo lagu soo rogay kulluumaysatada gobolkaas, taas oo qayb ka ah dakhli uruurin ay wasaarada maaliyada ka codsatay bishii hore in madaxda gobolada dalka.

Masuuliyiin uu horkacayo badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa subaxnimadii e saaka ku waabariistay xarumaha ay Magaalada Berbera ku leeyihiin shirkadaha kalluumaysigu oo ay ka bilaabeen cashuur uruurinta, iyaga oo sheegay in ay soo uruuriyeen dakhli badan.

Badhasaabku waxa uu sheegay in dakhligan oo lagu horumarin doono adeegyada bulshada ee Magaalada iyo gobolkaba, iyada oo dabagal lagu samayn doono sida loo kharashgarayn doono, isla markaana fiiro gaar loo yeelan doona sida uu uga dhex muuqdo barnaamijyada kor loogu qaadayo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshadu u baahan tahay.

Waxa uu tilmaamay in cashuur uruurinta laga samayn dhamaan gobolada dalka, iyada oo madaxda gobolada ay fulinayaan ballan qaadkii ay sameeyeen markii ay bishii hore wasaarada maaliyada heshiis kula galeen in ay qayb qaadan doonaan dakhil uruurinta goboladooda, sidaa darteedna looga baahan shacabka in bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee wax loogu qabanayo

yuusuf maxamed

berbera

maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com