Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Argagax iyo is-jiidh salaadii Jimce ee shalay ka dhacay Masjid-Jaamica Hargeysa iyo khasaaraha ka dhashay “Dadku way argagaxeen oo siyaabo kala duwan ayay u fahmeen, laakiin….” Imaamka Masaajidka….WARAYSI GAAR AH Hargeysa 02, April 2011 (Ogaal)- Dadweyne salaadii Jimce ee shalay ku tukaday Masjid-Jaamica magaalada Hargeysa, ayaa isku-jiidhay gudaha masaajidkaas ka dib markii dhacdo ay ka argagaxeen la soo deristay.

Argagax iyo is-jiidh salaadii Jimce ee shalay ka dhacay Masjid-Jaamica Hargeysa iyo khasaaraha ka dhashay

“Dadku way argagaxeen oo siyaabo kala duwan ayay u fahmeen, laakiin….” Imaamka Masaajidka….WARAYSI GAAR AH

Hargeysa 02, April 2011 (Ogaal)- Dadweyne salaadii Jimce ee shalay ku tukaday Masjid-Jaamica magaalada Hargeysa, ayaa isku-jiidhay gudaha masaajidkaas ka dib markii dhacdo ay ka argagaxeen la soo deristay.

Dadweynahaa shalay ku tukaday masjid Jaamica Hargeysa oo ku yaala badhtamaha caasimadda, gaar ahaan agagaarka xarunta dawladda Hoose, waxa ay isla oogsadeen mar keliya ka dib markii ay ka salaamo naqsadeen salaadii Jimce, iyadoo sida la sheegay qaarkood waxyeelo ka soo gaadhay markii ay gudaha isku jiidheen.

Sida uu xaqiijiyay imaamka masaajidkaas oo la yidhaahdo Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin Jaamac, waxa uu argagaxa dadkaasi ka dambeeyay ka dib markii dabayl dhacaysay dumisay qayb ka mid ah masaajidka. “Arrintaas way jirtay, markii ugu horeysay ee salaada laga baxay baa dabayl markii hore albaabada masaajidka garaacday, albaabada masaajidkuna biro ayay u badan, dabadeedna dabayshu albaabadka ayay ka soo gashay masaajidkana xaga dambe waxa jirta qayb Jiingad ah, Jiingadii iyo qoryihii u taagnaana dabayshu way fujisay, ka dib jaajuurkii saarnaa baa soo daatay, dadkiina waxay u qaateen masaajidka oo qadiim ah dartii inuu dumayo,” ayuu yidhi imaamkaas oo xalay dhacdadaas uga waramay Wargeyska Ogaal. “Dadku way argagaxeen oo siyaabo kala duwan ayay u fahmeen oo qaar baa u fahmay in wax kale dhaceen, dabadeedna way argagaxeen oo way is jiidheen, anaguna waxaanu u qaadanay Roob-doontii socotay in roobka dabayshii ka horeysay ay tahay oo qof walba meesha buktaa isaga ayay belbeshaaye, Illaahayna wuxuu inoo sheegay in Roobka ay dabaylo ka horeeyaan, Nabiguna (SCW) marka uu dabayl arko wuu argagixi jiray, Caa’isha (RC) ayaa waydiisay Nabiga markaad dabayl aragto maxaad la argagaxdaa, waxaanu Nabigu (SCW) yidhi ummado badan oo dabayl yar lagu rogay ayaa jira, dadkuna aad bay u naxeen oo ay isu jiidheen, laakiin wax dhaawacmay maanu maqal,” ayuu raaciyay Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin oo sharaxayay dareenka uu isagu ka qaatay dhacdadaas argagaxa abuurtay iyo sida ay dadkii ku tukaday masaajidka uga yaaceen.

Imaam Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in dabayshaasi dumisay qayb ka mid ah Masjid-Jaamica, isla markaana ay doonayaan inay maantaba dib u dhisaan. “Masaajidku waa sabad, laakiin qaybta dambe ee duntay waa Jiinqad, markaa in aanu beri (maanta) dhisno ayaanu doonaynaa,” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan oo la waydiiyay khasaaraha ka dhashay dabayshaa masaajidka gashay ee dadweynuhu ka argagaxeen. Sidoo kale, waxa uu xusay in dadkaas qaarkood gariirka dabayshu samaysay ay qarax iyo wax la mid ah u qaateen, taasina ay sababtay inay gudaha Masjidka isku jiidhaan.

Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin Jaamac waxa uu baaq u jeediyay muslimiinta oo kula taliyay inay wax ku qaataan masiibooyinka adduunka ka dhacaya. “Waxaan odhan lahaa ummada masaa’ibta adduunyada ee dhacaysa ee abaar leh ee colaad leh ee qarax leh, dunuubta bani’aadamka ayuun baa keenta, waana digniin Illaahay, waa in la toobad keena, si Illaahay naxariistiisu inoogu timaado,” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ahaa dadkii shalay ku tukaday masaajidkaas waxay sheegeen in is-jiidhka dadkii gudaha ka yaacayay ay sababtay dhaawacyo fudud oo qaar ka mid ah gaadhay. “Gariirka iyo dumistu waxay dhacday markii carabka uun laga qaatay ee Sheekhu labadii ragcadood ee Jimcaha dhameeyay, dadka qaarkoodna mabay salaamo naqsan markii kuwo kale oo argagaxay jiidheen,” ayuu yidhi mid ka mid ahaa goobjoogeyaashii dhacdadaas. “Waan arkayay dhawr qof oo markii ay madaxa isku dhufteen dhiig ka muuqday, dadkuna mar uun buu isla oogsaday,” ayuu raaciyay.

Sannadkii 2009, waxa sidan oo kale isu jiidhay dad salaad ku tukanayay masaajidka Cali-mataan ee badhtamaha Hargeysa, ka dib markii Bisado is eryanayay dhex yaaceen gudaha masaajidkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com