Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mudane C/raxman C/laahi Ismaaciil (saylici) ayaa Maanta dhagax dhigay laba hool oo lagu kordhiyay dhismaha jaamacadda Timacadde University ee Gobolka Gabiley, .

Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mudane C/raxman C/laahi Ismaaciil (saylici) ayaa Maanta dhagax dhigay laba hool oo lagu kordhiyay dhismaha jaamacadda Timacadde University ee Gobolka Gabiley,
.
Xaflad balaadhan oo loogu mahadnaqayay Madaxwayanaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo Maalgaliyay dhismaha laba hool oo Cusub ee jaamacadda Timacadde ayaa lagu qabta hotelka Askar ee Magaalada Gabiley.

Munaasabadaasi oo ay kasoo qayb galeen Wasiir ku Xigeenka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Cali Xaamud Jibriil,La taliyaha madaxwayanaha ee Arimaha Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), Maamulka jaamacadda, Maamul Gobolka iyo ka Degmadda Gabiley, Xildhaano, Cuqaal, Culimaa,udiin, Ardayda Jaamacadda Timacadde iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Furitaankii Munaasabaasi oo uu hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda Timacadde Pro.Cismaan Aw yuusuf Magan ayaa ka warbxiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacada Gabiley soo martay isaga oo sheegay in kaalinta ugu Muhiimsan ay ka qaateen Dhismaha jaamacadda Timacadde Shacabka Reer jabuuti ee aynu jaarnahay iyo Madaxwaynohooda Mudane Ismaaciil Cumar geele oo Kaalin laxaadle ka qaatay hirgalinta iyo taabo Galinta jaamacadda Timacadde.

pro.Magan Waxa uu sheegay in Dhismaha hadda ay jaamacadu ku jirto uu ku soo wareegi doono Dugsiga sare ee Qalax balse jaamacadu ay u Wareegi doontoo Dhismihii Dugsiga sare ee madaxwaynuhu Digreedada ku soo saaray, waxa kale oo uu intaasi ku daray in Adeegyadii Dugsi looga baahnaa u dhamaystireen Dhismaha jaamacadda, kuna Dadaaleen inay dhisaan jaamacadda iyo Dugsiga sareba.

Gudoomiye Magan waxa uu Aad ugu mahadnaqay Madaxwayne Dalka jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geele oo Hiil iyo hooba la garab istaagay Jaamacada Timacadde waxaanu sheegay inay ugu magacdareen Ismaaciil Cumar Geele dhismaha hoolka ugu wayn ee ay maanta dhagax dhigeen.

Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mudane C/raxman C/laahi Ismaaciil (saylici) oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inuu mahadnaq u soo jeedinayo madaxwaynaha Dalka jabuuti mudane ismaaciil Cumar geele oo sheegay inaanay ahayn markii koowaad ee Madaxwaynaha jabuuti ka qayb qaato Dhismaha jaamacadaha dalka balse uu hore Deeqo u soo gaadhsiiyay Jaamacadda Camuud iyo Dugsiyadda Goboladda Awdal iyo Salal. waxa kale oo uu sheegay inuu mishiino laydhka lagu shido hargeisa ugu deeqay.

Madaxwayne ku Xigeenku waxa kale oo uu sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay in loogu magac daro Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele labada hool Hool ee uu ka hirgaliyay Jaamacada Gabiley, cid kasta oo Wax inoogu deeqdana la sheego laguna Qoro cidii maal galisay,
Madaxwayne ku Xigeenku waxa uu soo dhaweeyay Waxqabadka Bulshada reer gabiley ay qabsadeen oo uu sheegay in ay door muhiim ah ka qaateen hirgalinta jaamacadda iyo Dugsiga Sare ee Timacadde waxa kale oo uu ka Xogwaramay qiimaha aqoontu leedahay iyo waxtarka ay wadanka u leedahay Waxa kale oo uu sheegay in Dalka ay ku yaalaan jaamacado badan balse aanay tira badani waxba sheegin laakiin loo baahanyahay in awooda la saaro sidii loo tayayn lahaa, waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay in dawlad ahaan miisaanayadii sanadka aanay kua muuqan wax horumar ahi taasi oo uu sheegay in ay sabab utahay Dayntii ay ka dhaxleen Xukuumadihii hore bixinteeda . balse ay Aqoonta Xooga saareen oo ay ka kordhiyeen boqolkiiba Seddeeed 8% halkii ay ka ahayd markii hore boqolkiiba Seddex.

Mudane Saylici Waxa kale oo uu sheegay in dadwayanaha reer jabuuti ee ku sugan somaliland ay ka qayb galaan Doorashada Dalka jabuuti oo ay Codkooga dhiibtaan, xukuumad ahaana ay gacan ka siin doonaan,isyaga oo xusay in Madaxwayaha Dalka jabuuti uu wax badan u qabtay dadkiisa isla markaana uu mudanyahay in la doorto
.
Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo isagu xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa aad ugu mahad celiyay Madaxwayaha Jabuuti kaalinta uu ka qaatay Dhimsaha jaamacada Gabiley. waxa kale oo uu ka warbixiyay dadaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan Horumarinta iyo taabo galinta Waxbarashada Dalka isag oo aad ugu mahadnaqay dadka reer gabiley sida Fiican ay wax uqabsadeen oo uu xusay in ay mudanyihiin in lagaga daydo.

Munaasabada oo ahayd munaasabad balaadhan oo ay hadalo ka soo jeediyeen la taliyaha Madaxwayana ee Arimaha Siyaasada Abiib Timacad, Badhasaabka iyo Maayarka Gabiley ayaa aad ugu dheeraaday Amaanta iyo Mahadnaqa Madaxwayaha Dalka jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ay sheegeen in Kaalin laxaadle oo Walaaltinimo la garab taaganyahay hadh iyo habeen Dalka iyo Dadka Reer somaliland. Waxaanay aad ugu Booriyeen Dadwayaha Reer jabuuti ee ku dhaqan Somaliland inay ka qayb qaataan Doorashada Dalka Jabuuti oo ay la xidhiidhaan Xafiisyada ay somaliland ka furteen oo u Fududayn doona

Ugu danbayntii Gudoomiyaa Jaamacada Timacadde Pro. Cismaan Aw yuusuf Magan ayaa Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Madaxwayaha Jabuuti Mudane Ismaaciil cumar Geele taasi oo uu ugudoomay Madaxwayne ku Xigeenka Somalialnd C/raxman C/laahi Ismaacil (Sayl

cabdilaahi cali
maantasomaliland.com
gabilay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com