Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargaysa 3 APRIL 2011 (maantasomaliland):-Munaasibad balaadhan oo lagu taageeraayey Murashaxnimadii uu markii Saddexaad isku soo taagay Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Madal Lagu Taageeraayey Madaxweynaha Jabuuti Oo Hargaysa Lagu Qabtay Hargeysa

Hargaysa 3 APRIL 2011 (maantasomaliland):-Munaasibad balaadhan oo lagu taageeraayey Murashaxnimadii uu markii Saddexaad isku soo taagay Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Xafladan oo uu soo qaban-qaabiyey Dr Mustafe Cabdillaahi Xaaji Maxamed (Jawaan) ayaa waxaa ka soo qayb-galay Cuqaal, Masuuliyiin, Jaaliyadda reer Djibouti ku nool magaalada Hargaysa iyo Dadweyne tiro badan, kuwaasoo dhammaantood muujinaayey sida ay ula dhacsan yihiin Murashaxnimada markii saddexaad ee Md Ismaaciil Cumar Geelle isku soo taago, waxaanay Illaahay uga baryeen inuu markaas Saddexaadna ku Guulaysan doono, iyagoo daboolka ka qaaday hadii uu mar afaraad u baah-dana ay u Dooranayaan Madaxtinnimada dalka Jamhuuriyada Djibouti, taasoo ay sheegeen inuu ku Mutaystay Waxqabadka fiican iyo Horumarka balaadhan ee ka Muuqda dalka Djibouti.

Chief Caaqil Muuse oo ka mid ahaa Cuqaashii Munaasibadaa ka soo qayb-gashay ayaa sheegay inay aad u taageersan yihiin Murashaxnimada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu yidhi “Waxaanu taageero u Muujinaynaa hadaanu nahay Jaaliyada reer Djibouti ee ku dhaqan Wadanka Somaliland, waxaanu leenahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa Nin xigmadaysan oo Kheyrkii ka dhex muuqda, waanan Taageersanahay Illaahayna waxaanu ka rajaynaynaa inuu ku guulaysto Doorashadaas maanta.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa Nin dal iyo dibadba laga taageersan yahay oo Waddankiisa wax u qabtay, taasina maaha mid cidi qarin karto ee waxa ay ka muuqataa Bilicda Waddanka Djibouti, waxaanan leeyahay ha Noolaado Md Ismaaciil Cumar Geelle, Somalilandna ha Noollaato, waa laba dal oo Walaalo ah oo aan kala maar-min. Madaxda Somaliland-na si fiican ayay u soo dhawaysay Murashaxnimada Md Ismaaciil Cumar Geelle.” Ayuu yidhi Chief Caaqil Muuse.

Fu’aad Axmed oo isaguna ku hadlaayey Afka Jaaliyada Reer Djibouti ee Ku dhaqan Dalka Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland iyo Djibouti kala maar-min, isla markaana UL iyo Diirkeed yihiin, waxaanu yidhi “Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti waa mid dheer oo soo jireen ah, waana Shacab walaalo ah oo Ul iyo Diirkeed ah, dhankasta oo laga eegana ma kala maar-maan, waxaanay ahayd in Jaaliyada reer Djibouti ay Hargaysa dhexdeeda ka codeeyaan, hadii ay jiri lahayd Safaaradii Djibouti ee Somaliland oo kuwa Somaliland eek u nool Waddanka Djiboutina ay halkaas ka codeeyaan hadii ay Somaliland safaarad ku lahaan lahayd Djibouti, hase yeeshee taa waa la gaadhi doonaa haddii Alle yidhaahdo.

Waxaa Munaasibadaa lagu taageeraayey Madaxweynaha Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geele ka hadlay Dad badan oo iskugu jira Jaaliyadda Reer Djibouti ee ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargaysa iyo Dad kale oo reer Hargaysa ah, kuwaasoo dhammaantood Ammaan iyo Bogaadin u soo jeediyey Murashaxa Xisbiga Isbahaysiga ee UMP Md Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Cali Maxamuud oo ka mid ah dadka reer Djabouti ee ku dhaqan Somaliland, waxaanu ugu baaqay dhamaanba shacabka Reer Jabuuti in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii uu mar kale doorashada ugu soo bixi lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Dhamaanba dadkii munaasibadan ka qayb galay ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay Dr. Mustafe Cabdilaahi Jawaan oo ay ku sheegeen in uu yahay shakhsi dedaalkiisa isguu geeyay sidii uu mar uun isugu keeni lahaa jaaliyadda reer Djabouti ee ku dhaqan Somaliland.

Waxa kale Munaasibadaa lagu soo bandhigay Heeso, Gabayo iyo Ciyaaro lagu taageerayo Murashaxnimada Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti, iyadoo markii u dambaysayna lagu soo gebo-gabeeyey Ciyaaraha qaab ka ciyaarka loo yaqaano Damaashaad balaadhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com