war deg deg ah FBI oo taliyihii ssc ee mr Xagla Toosiye Ku xidhay imaaraadka Hogaamiyee Ururuka Dagaalka Kula jira Maamulada Somaliland iyo Puntland Saleebaan Ciise Aar [Xagla Toosiye] ayaa lagu xidhay Maraykan isaga oo Koox kale oo la sheegay in looga Shakiya Argagixiso Caalami ah.
war deg deg ah FBI oo taliyihii ssc ee mr Xagla Toosiye Ku xidhay imaaraadka
Hogaamiyee Ururuka Dagaalka Kula jira Maamulada Somaliland iyo Puntland Saleebaan Ciise Aar [Xagla Toosiye] ayaa lagu xidhay Maraykan isaga oo Koox kale oo la sheegay in looga Shakiya Argagixiso Caalami ah.
Saraakiisha Maxakmadda Federalka dalka Maraykanka ayaa waxaa ay su’aalo waydiinayaan dhowr qof oo muwaadiniin Maraykanka ah asal ahaana kasoo jeeda dalka Soomaaliya kuwaasi oo ay dowladda Maraykanka ku tuhunsantahay inay xiriir laleeyihiin aargigixisada Caalamiga ah.
Xagla Toosiye ayaa iska Fogeeyay eedaynta loo soo Jeediyay waxana uu sheegay in Baadhitaan uun uu Jiro balse aanay Jirin wax Cad oo lagu hayo Isaga oo xusay in lagu daba Joogo Xadhig Horay loogu Gaystay dalka Kenya taasi oo lagu eedeeyay Argagixiso xili uu ku sii jeeday dalka Somaliya
“Majirto cid ku wargalisay FBI-da Maraykanka in aan aniga iyo Ururka SSC nahay aargigixiso, laakiin waxaan u malaynaynaa inay u qiil raadinayaan wax aan sal iyo raad toona laheyn” ayuu yiri Salaymaan Axmed oo ah hogaanka Ururka SSC.
maantasomaliland.com