Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laba Ruux Oo Ku Dhaawacmay Ceel Bardaalle

Ceel Bardaale (Maanta-Somaliland)- Laba nin oo ka tirsan maleeshiyo beeleed ku sugan deegaanka Ceel Berdaale ee gobolka Gabiley ayaa shalay dhaawacmay ka dib markii ay ku dhacday rasaas ka baxsatay qori uu sitey nin kale oo isla maleeshiyadaas ka tirsani.. Warkan oo aanu ka helnay weriyahayaga nooga soo warama gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim waxa uu intaas ku daray in labadaas nin oo magacyadooda la kala yidhaahdo Dayid Muuse iyo Sakaaro Meygaag Warsame labadoodaba wakhtigan lagu daweynayo cusbitaalka Magaalada Gabilaey oo la keenay isla shalayba ka dib markii ay dhaawacyo ka soo gaadheen tacshiirad rasaas ah oo si lama filaan ah uga qaraxday lama filaan ah uga dhacday qori uu sitey nin kale oo ay wada socdeen labada nin ee dhaawacyadu soo gaadheen. Warkani waxa kale oo uu sheegay in labadan nin ee dhaawacmay ay haatan xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, labadan nin ee dhaacyadu soo gaadheen iyo ninka sadexaad ee sitay qoriga rasaastu kaga qaraxdayba waxa ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaanka Ceel Berdaale, oo maalmahan dambe sida wararka ka imanaya jiidaasi deegaan halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo beelaysan. Sanadihii u dambeeyeyba waxaa deegaamadaas ka jirey muran lahaansho dhul ku saabsan oo u dhexeeyey beelo deegaankaas wada degan, dhaq dhaqaaqyada maleeshiyyooyinkaasina wax la filayaa in yihiin kuwo amuurtaas la xidhiidha. l Berdaale Laba nin oo ka tirsan maleeshiyo beeleed ku sugan deegaanka Ceel Berdaale ee gobolka Gabiley ayaa shalay dhaawacmay ka dib markii ay ku dhacday rasaas ka baxsatay qori uu sitey nin kale oo isla maleeshiyadaas ka tirsani.. Warkan oo aanu ka helnay weriyahayaga nooga soo warama gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim waxa uu intaas ku daray in labadaas nin oo magacyadooda la kala yidhaahdo Dayid Muuse iyo Sakaaro Meygaag Warsame labadoodaba wakhtigan lagu daweynayo cusbitaalka Magaalada Gabilaey oo la keenay isla shalayba ka dib markii ay dhaawacyo ka soo gaadheen tacshiirad rasaas ah oo si lama filaan ah uga qaraxday lama filaan ah uga dhacday qori uu sitey nin kale oo ay wada socdeen labada nin ee dhaawacyadu soo gaadheen. Warkani waxa kale oo uu sheegay in labadan nin ee dhaawacmay ay haatan xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, labadan nin ee dhaacyadu soo gaadheen iyo ninka sadexaad ee sitay qoriga rasaastu kaga qaraxdayba waxa ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaanka Ceel Berdaale, oo maalmahan dambe sida wararka ka imanaya jiidaasi deegaan halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo beelaysan. Sanadihii u dambeeyeyba waxaa deegaamadaas ka jirey muran lahaansho dhul ku saabsan oo u dhexeeyey beelo deegaankaas wada degan, dhaq dhaqaaqyada maleeshiyyooyinkaasina wax la filayaa in yihiin kuwo amuurtaas la xidhiidha.

Hussein Harbi

Hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com