Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 12th, 2011 ceerigaabo(maantaSomaliland maanta.com)- Xaflad balaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyihii hore ururka saxaafada iyo wacyigelinta ee gobolka Sanaag iyo gudoomiye cusub oo dhowaan loo doortay hogaaminta ururkaasi labada sano ee soo socda ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee ururka saxaafada iyo wacyigelinta ee gobolka sanaag ee magaalada ceerigaabo.

April 12th, 2011
ceerigaabo(maantaSomaliland maanta.com)- Xaflad balaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyihii hore ururka saxaafada iyo wacyigelinta ee gobolka Sanaag iyo gudoomiye cusub oo dhowaan loo doortay hogaaminta ururkaasi labada sano ee soo socda ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee ururka saxaafada iyo wacyigelinta ee gobolka sanaag ee magaalada ceerigaabo.
Madashii munaasibadan lagu qabtay aan loo kala hadhin ayaa waxa ka qaybgalay dhamaanba masuuliyiinta laamaha dawlada ee heer gobol iyo heer degmo iyo weftigii uu hogaaminayey taliye ku xigeenka ciidanka boliiska jamhuuriyada somaliland, madax dhaqameed, aqoon yahan, ururada haweenka, culimo-awdiin, dhalinyaro, gacansatada iyo masuuliyiinta shirkadaha gaarka ah, hayadaha wadanig ah iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyihii hore ee ururka wacyigelinta iyo saxaafada ee gobolka sanaag Cabdilaahi Xuseen Darwiish ugu horeynba munaasibadaas ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey marxaladahii kala duwanaa ee ururka saxaafada iyo wacyigelintu soo maray iyo guulihii uu ku talaabsaday mudadii uu xilka hayay. Wuxuu xusay in kulamo iyo shirar isdabajoog ah oo beryahanba u socday ururka wacyigelinta iyo saxaafada (Sanaag Media & Awareness Group) ay xanan tireen kala qaybsanaantii ururka ka dhex-jirtey, iyadoo ururkana ay ka mid yihiin aqoonyahano iyo xubno khibrad u leh maamulka iyo maareynta ururada maxaliga ah.
Waxaa kale oo uu ku dheeraaday himilooyinka iyo ujeedooyinka ururka loo aasaasay oo ay kow ka tahay ka qaybqaadashada hawlaha horumarka gobolka ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, degaanka, xuquuqda aadamaha, dhalinayarada, nabada, midnimada iyo walaalaynta bulshada gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha cusub ee ururka sanaag media group Maxamuud Maxamed Xasan (saraaf) oo isna dhiniciisa balan qaaday in uu halkaa ka sii ambaqaadi doono socodsiinta hawlaha ururka si looga midha dhaliyo buu yidhi hadafka iyo himilada fog ee ururkani tiigsanayo , waxaanu tilmaamay gudoomiyihu in ururkoodu kaalin mugleh ka qaadan doono wacyigelinta iyo toosinta garaadka bulshada gobolka, wuxuuna intaa raaciyey in ururkani uu iskaashi iyo xidhiidh wada-shaqayneed la yeelan doono hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba isagoo intaa raaciyeyna in hayada Unicef ay iskaashi dhinaca horumarinta gobolka sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dhawrista xuquuqda caruurta. Isagoo hoga tusaaleeyeyna in ay weli jiraan dad badan oo fikrad khaldan ka haysta talaalka iyo aragtida bulshada ee dhinaca caafimaadka oo liidata gaar ahaan haweenka.
Wuxuu kaloo gudoomiye M.saraaf ka dhawaajey in ay jiraan duruufo badan oo gobolkan ku gedaaman, una baahan in wax laga qabto kuwaas oo ay ka mid tahay buu yidhi, dhinaca wadada oo hortaagan suugeyntii dhamaanba waxsoosaarka gobolka iyo in maalgashi lagu sameeyo, isagoo xusayna in ururkoodu xooga saari doono iyagoo adeegsanaya doorkooda saxaafadeed ee horumarka ( The role of media in development) in ay baraarujin ku sameyn doonaan dhamaanba daneeyayaasha horumarka sida xukuumada, hayadaha, ganacsatada, qurba joogta bulshada iyo ururada rayidka ah sidii ay dhamaanba ugu istaagi lahaayeen barmaamij qaadhaan ururin ku aadan bilaabista wadada xidhiidhisa gobolka iyo dalka Jamhuuriyada somaliland intiisa kale iyo jaamacada gobolka sanaag, si gobolku uga maarmo tiigta waxbarasho ee gobolada kale. Wuxuu kaloo gudoomiye M.saraaf xusay in ay marwalba gobolkan ka jirtey tafaraaruq iyo qaybsan dhinaca aragtida dadkiisa ah, taas oo dibudhac iyo ragaadin ku keentay horumarkii gobolkani gaadhi lahaa, isagoo tilmaamayna in ururkoodu diirida saarayo midaynta bulshada gobolka iyo wacyigelinta dadweynaha sidii ay dhexdooda iskaashi iyo isku xidhnaan u samayn lahaayeen,
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka gobolka sanaag Suuldaan Muuse Jaamac Delef, boqor maxamuud cismaan nuur, suuldaan ismaaciil nuur wacays, suuldaan cali yuusuf cabdi, wakiil boqor Maxamed Axmed Cali, gudoomiyaha ururka NOW. Hodon maxamed Wale, waxana dhamaanba masuuliyiintaasi bogaadiyeen guulaha ururka saxaafada gobolka sanaag ku talaabsatay iyagoo kula dardaarmayna in ay isku duubnaadaan, kana sheqeeyaan sidii gobolka loo gaadhsiin lahaa horumar taam ah, iyagoo balan qaadayna dhinacooda in ay gacan buuxda siin doonaan ururka suxufiyiinta gobolka
Cabdulaahi Axmed Daamur oo ku hadlayey afka shirkadaha isgaadhsiinta ee gobolka sanaag ka hawlgala ayaa isna dhiniciisa ururka u balan qaaday in uu ka taakulayn doono dhinaca tasiilaadka isgaadhsiinta.
Duqa degmada ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa isna halkaasi ka hadlay ayaa isugana si weyn u soo dhoweeyey asaaska ururka suxufiyiinta gobolka, wuxuuna balanqaaday in maamulkooda dalwada hoose ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan ururka suxufiyiinta gobolka
Gudoomiyaha maamulka gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre ayaa isna dhiniciisa tilmaamay baahida loo qabay isku duubnaanta suxufiyiinta gobolka iyo ka shaqaynta horumarka gobolka oo ay ugu horeyso buu yidhi ku baraarujinta bulshada kaalinta kaga aadan taabagelinta jaamacada gobolka laga wado.
Gebagebadii munaasibadaasna waxa gudoomiyaha gobolka sanaag

halkaasi shahaado sharafyo ku gudoonsiiyey hayado iyo shaqsiyaadkii ay ururka suxufiyiinta gobolka sanaag u aqoonsadeen in ay taageero ka geysteen asaaskii bilowga ururka Sanaag Media Group.

wariye maxamuud saraaf
ceerigaabo
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com