Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda

Hargeysa, 15, Dec, 2010-(Maanta-Somaliland)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda Waxbarashada, Macdanta iyo Biyaha iyo Maareeyaha Wakaallada biyaha Hargeysa, ayaa maanta xadhiga ka jaray riig-biyood cusub oo laga hirgeliyay Magaalada Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa iyo laba fasal.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jaray riigan cusub, ayaa wallaac xoog leh ka muujiyay biyo yaraanta haysata magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, isagoo sheegay in haweenku dhabarka kaga jabeen biyaha ay ka soo xambaaraan masaafooyin fog fog oo ay habeenkii xilliyada danbe ka soo dhaamiyaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay in dalalka deeqbixiyayaasha ah loo muujiyo daacadnimmo iyo xisaabtan dh, si ay meesha uga baxaan kala shakiga iyo mad-madowgu, taasoo uu sheegay inay keenayso inay wax innoo qabtaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ninkii wax hagaajista, ayaa wax loogu daraa, waxaa laynaga rabaa xisaabtan dhab ah, dalalka deeqbixiyayaashu waxay khaatiyaan ka taaganyihiin maamul-xummo ragaadisay dalalka caawimooyinka ka dalbada, hadaba innaga waxa innoo taala in laynaga dareemmo xisaabtan dhab ah.” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ka jawaabay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah odayaasha deegaanka Geed-deeble oo sheegay inay weerar ku hayaan dad dhul-booba oo doonaya inay nidaam ganacsi uga faa’iidaystaan, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi,
“Waxaannu ka hawlgelaynaa dadka ku soo duulay, mana yeelayno deegaan ganacsi in laga dhigo, waxaana inagu khasaba deegaanka inaynu wada ilaashano.”

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Sam Sam Cabdi Aadan oo iyana halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in waxbarashada Degmada Geed-deeble aad u liidato, iyadoo xustay inay tahay goobta keliya ee arday kala fasallo  ahi galaas qudha wada fadhiistaan oo sammuuradda oo la kala qaybiyo.

Marwo Sam Sam waxay sheegtay inay u rajo-weyntahay sidii ay wax uga qaban lahayd baahiyaha waxbarasho ee Geed-deeble, islamarkaana ay dhawaan la arki doono macalin kasta oo iskuulka wax ka dhigaa inuu helo guri bilaasha iyo beer.

Wasiirka Waxbarashada Marwo Sam Sam waxay tilmaantay baahida loo qabo helitaanka dugsiyada farsamadda gacanta oo ay sheegtay inay muhiim u tahay horumarka dalka iyo dadkaba.

Gebogebadii waxay Wasiiraddu u mahadcelisay hay’adda Mercy corps oo hirgelisay dhismaha riiga biyaha iyo NRC oo laba fasal u dhistay dugsiga Geed-deeble.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta,  Tamarta iyo Biyaha Eng: Xuseen Axmed Ducaale, ayaa sheegay inay dhawaan isaga iyo Maareeyaha wakaalladu socdaal ku tegeen dallka Kenya salka ku hayay sidii biyo ku filan loo gaadhsiin lahaa magaalada Hargeysa, isagoo tilmaamay inay Midowga Yurub hortaallo dhaqaalihii ku bixi lahaa biyo-gelinta magaalada oo ay rajo-weyn ka qabaan inay inay helaan lacagtaas oo gaadhaysa 17 milyan oo Yuuro.

Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa sheegay in ceelkani yahay kii 13aad ee laga dhiso Geed-deeble, kana mid noqon doono ceelasha kaydka ah, balse aanu ahayn mid biyo cusub gaadhsiin doona Hargeysa, waxaannu ka codsaday hay’adda Mercy inay wax kala qabato dhuumaha biyaha Hargeysa geeya oo badankooda daxal ku dhashay, qaarkoodna go’een.

Hussein Harbi

Hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com