Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAAWO.Manchester United Oo Old Trafford Ku Dubatay Kooxda Cambridge United, Iyo Red Devils Oo Iska Xaadirasay Wareega Shanaad Ee FA Cupka

 

rojo

Kooxda Man United ayaa guul ay gurigeeda kaga gaadhay kooxda Cambridge United ugu soo baxday wareega afaraad ee koobka FA Cupka. Man United ayaa guushan ku gaadhay 3:0, waxaana goolasha u kala dhaliyay Jaun Mata Marcos Rojo iyo Wilson. Man United ayaa wareega shanaad ee FA Cupka  usafri doonta kooxda Preston North End oo iyaduna guul 3:1 ah  ka soo gaadhay Sheffield United.

Mancheser United ayaa Old Trafford ku soo dhawaynsay kooxda heerka afraad ee Cambridge United kula ku celis ahaa oo ka tirsanaa wareega afraad ee FA Cupka. Kulankii lagu soo ciyaaray guriga Cambridge United ayaa ku soo dhamaaday barbaro gool la’aan ah, waxayna  Man United doonaysay inay dhinac iskaga dhibto kooxdan yar.

Tababare Van Gaal ayaa kulankan u soo doortay koox xoogan isaga oo shaxdiisa ugu xoogan la shir yimid, wuxuuna ka taxadirayaa inay kooxdiisa ku dhacdo layaabkii qabasaday Chelsea iyo Man City oo ay tartankan ka reebeen kooxo yar yari.Xidigha Man United ugu muhiisan De Gea, Rooney, Di Maria iyo Van Persie ayaa dhamaantood ku bilawday.Van Gaal ayaana ciyaarta ka hor sheegay in muhiimada ugu wayn ee Man United ee xili ciyaareedkani ay tahay inay qaadaan FA Cupka.van Gaal

Daqiiqadii ugu horaysay ciyaartay ayay Cambridige United ku sigatay inay si lama filaan ah hogaanka ku qabato kadib markii qalad uu sameeyay Blind ay Man United u horseedi gaadhay in gool lagaga hormaro, waxaana goolkaas Cambridge United udhalin gaadhay Tom Elliott.tom

Laakiin Man United ayaa markiiba ciyaarta gacanta ku qabatay, waxayna goolkeeda kowaad la timid daqiiqadii 25 aad waxaana goolkaaas udhaliyay Juan Mata, ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Man United hogaanka kula wareegtay.Marouane Fellaini ayaana caawiye ka ahaa goolka uu Mata United udhaliyay.Mata

Waa goolkii ugu horeeyay ee uu Mata Man United uga dhaliyo koobka FA Cupka, laakiin Mata ayuu goolkani ahaa goolkiisii lixaad ee FA Cupka halka uu sidoo kale 9 gool oo kale oo FA Cupka ah caawiye ka ahaa intii uu Ingiriiska.mata1

Man United ayaa dadaalkeeda sii kordhisay waxayna daqiiqadii 32 aad ayay Man United la timid goolka labaad waxaana udhaliyay Marcos Rojo, kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Red Devils hogaanka ku dheeraysatay. Rojo ayaa kubbad koorne ahayd oo ay Fallaini iyo Van Persie ka soo qayb qaateen isla makaana uu Di Maria soo tuuray ayuu goolkiisii kowaad  iyo kan labaad kulankan ee Man United ku dhaliyay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2:0 ay Man United hogaanka ku haysay.rojo2

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay umuuqatay ciyaartu in go’aan laga gaadhay qaybtii hore waxayna inta badan iska ahayd mid aan wax goolal ah layska dhalinin. Iyada oo ciyaartu gaabis iskaga socoto ayaa badal lagu soo galiyay James Wilson iyada oo lagu soo badlay Van Persie.

Wilson ayaana kooxdiisa goolka saddexaad udhaliyay daqiiqadii 73 aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Man United ku xaqiiqsatay wareega shanaad ee FA Cupka.Goolka Wilson ayuu caawiye ka ahaa Ander Herrera oo isaga laftiisu ciyaarta badal ku soo galay.

Ugu danbayn kulankan ayaa ku dhamaaday 3:0 ay Man United guul ku gaadhay iyada oo Man United  wareega shanaad ee FA Cupka  usafri doonta kooxda Preston oo iyaduna guul 3:1 ah  ka soo gaadhay Sheffield United.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com