Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerka Isgaadhsiinta Somaliland
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerka Isgaadhsiinta Somaliland, oo maalmihii la soo dhaafay doodiisa ay ku kala qeybsameen Xildhibaanadda Aqalkaasi.
Fadhigan oo uu gudoominayay Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, waxa madasha ka soo xaadiray 67 Mudane oo ka mid ah 82 ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.
Waxa fadhigan laga dareemayay xamaasad xoog leh, waxaana fadhiga goob joog ka ahaa shirkadaha Isgaadhsiinta wadaniga oo siyaabo kala duwan u arkayay xeerkan oo saamayn ku leh adeegyada ay bulshada u hayaan.
34 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkan, waxa diiday 29 Mudane, 3 Xildhibaan ayaa ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerkan oo u gudbi doona Golaha Guurtida Somaliland.
Md. Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii diidanaa xeerkan ayaa fadhigii saaka ka dib Saxaafada u sheegay in xeerkan lagu deg degay oo ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
Sidoo kale, Md. Maxamed Faarax Qabile, ayaa go’aankan Golaha ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu tilmaamay in Golaha la laaluushay, waxaanu sheegay inaanay ka hadhayn xeerkan xataa haddii ay ku tagayso inay dacwad geeyaan maxkamada sare.
Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ahaa Mudaneyaashii meelmariyay xeerkan ayaa sheegay in xeerkani waxtar weyn u leeyahay dalka, maadaama oo uu yahay xeerkii u horeeyay ee noociisa ah ee Golaha Wakiiladdu meel mariyo.
xuseen xarbi
hargaysa maantasomaliland.com