Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Jimcihii dalka Jabuuti

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Jimcihii dalka Jabuuti, taasi oo uu markii sadexaad ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynuhu wuxuu qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo natiijadii ka soo baxdayba uu kaga hadlay dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu saaka soo saaray Afhayenka Madaxtooyada Cabdilahaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti, Guushii ay ka Gaadheen Doorashadii Madaxtinimada Dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa oo Qoraala ku yidhi:-“Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kuuga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti.
Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kale oo aan aaminsan nahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.
Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehan tahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada.
Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.”

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com