Gudoomiyihii Iskaashatada HiIiblayaasaha ee Nafaqo oo maayarku si sharci daro ah u xidhay
Gudoomiyihii Iskaashatada HiIiblayaasaha ee Nafaqo oo maayarku si sharci daro ah u xidhay
Hargeisa(Somaliland Maanta)- Gudoomiyihii Ururka iskaashatada Nafaqo mr Mahamoud Hassan Ali(Gurey) ayaa manta si sharci daro ah loogu xidhay magaalada Hargeisa, kadib markii uu wargaysa Dawan ay ururku ku muujiyeen cabasho la xidhiidha Maayarka iyo kawaanka ay shirkada Maandeeq gacanta ku hayso, arintaas oo maalmahanba soo noqnoqonaysay, kadib markii tacadi lagula kacay ururkan hilib-layaasha oo lacag aan sharci ahayn laga qaado.
Arintan ayaa waxaa ka hadlay ururka iyagoo xukuumada iyo shacbigaba ugudbiyay. Xadhigan ayaa gudiga fulinta ee ururku ku tilmaamay mid tacadi ah iyagoo ugu baaqay maayirka in uu si bilaa shuruud ah xoriyadiisii ugu soo celiyo gudoomiyahooda, waxaana halkaa ay isugu soo bax ku sameeyeen xafiiskooda iyagoo boqolaal gaadhaya, maaha markii ugu horeysay ee uu maayarku tanoo kale ku kaco ee waxa uu shalay xabsiga dhexe u taxaabay gudoomiyihii bagaashalayaasha, gudiga fulintu waxay mar labaad xukuumada iyo maayarkaba ugudbiyeen inay xoriyadiisii usoo celiyaan, hadii kalana ay samayn doonaan banana bax ay wasaarada arimaha gudaha soo ogaysiiyaan.
Hussein Harbi
Hargiesa