Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Iskaashatada Hilibka Hargeysa Oo Ku Baaqay In Deg deg Loo Sii Daayo Guddoomiyahoodii Uu Xidhay Maayar Jiciir

Hargeysa (Maantasomaliland)- Iskaashatada hiliblayaasha caasimadda Hargeysa ee Nafaqo, ayaa dabooolka ka qaaday in ay isugu soo bixi doonaan mudaharaad ballaadhan oo ka dhan ah tacadiyo iyo cabudhin ay sheegeen in uu kula kacay Maayirka Caasimadda Hargeysa oo ay tilmaameen inuu ku khasbaayo shirkadda Maandeeq oo aanay wax wada shaqayn ah ka dhaxayn.

Waxa hiliblayaasha ku bahoobay iskaashatada Nafaqo sheegeen in ay isku soo bax ballaadhan samayn doonaan, haddii 24 saacadood gudahood lagu sii dayn waayo guddoomiyihii iskaashatada Maxamuud Xasan Cali Gurey oo uu xabsiga u taxaabay Maayir caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay ku eedeeyeen inuu kula kaco tacadiyo, cadaadis iyo cabudhin, iyagoo intaa ku daray in ilaa wakhtigii xukuumaddii Rayaale uu xabsiga u taxaabayey ciddii u hoggaansami weyda shirkadda Maandeeq oo ay tilmaameen inuu isagu si gaar ah masuul uga yahay.

Iskaashatada hiliblayaasha, ayaa sheegay in xadhigga guddoomiyahoodu ka dambeeyey, kadib markii fadeexado musuqmaasuq oo uu Eng. Jiciir ku kacay warbaahinta ku soo bandhigeen, kuwaasoo uu ku tilmaamay in uu $65,000 (shan iyo lixdan kun oo dollar) uu bishii ka qaado, isla markaana ay jeebkiisa ku dhacdo “Maayirku caddaadin ayuu nagu hayaa, caddaadintaa waxa ka mid ah shirkad Maandeeq la yidhaahdo ayaa jirta, odeyguna (Jiciir) wa aka odey, maadaama oo uu odey ka yahay ma ogola in shirkadaasi la dhaliilo, dadka wuu qabanaaya waanu xidhayaa horena wuu u xidhay, Iskaashatada maanta intan ila fadhidaa waa dadkii Gabiley iyo Mandheera loo diray, waxa uu ku xidhxidhayaana waa sharci-darro.

Waxaan ku hambalyeynayaa madaxweyne Siilaanyo oo kala diray guddigii xaaranta ahayd (Guddigii Nabadgelyada). Shirkadan Maandeeq ee uu Jiciir noo xidhxidhay 999,000,000 (sagaal boqol iyo sagaal iyo sagaashan milyan), ayaa hiliblahaa masaakiinta ah ee neefka soo amaahanaya ay ka qaadaa. Iminkana wuxuu noo xidhxidhayaa waa maxaad u samaysanaysaan maamul.

Waxaan leeyahay si sharci-darro ah ayuu guddoomiyahaasi u xidhan yahay, si sharciyana waa loo doortay, haddii si dhakhso ah loo soo dayn waayana waxaannu samayn doona mudaharaad aannu kaga soo horjeedno,” ayuu yidhi Ismaaciil xasan mire xoghayihii hore.

Sahra Muuse Jaamac oo ka mid ah haweenka hiliblayaasha ah, ayaa iyadu sheegtay in uu si weyn ugu tacadiyey Maayir Jiciir, isla markaana uu cabudhiyey oo aanay ka hadli karin wax dantooda ah, iyadoo tilmaantay in ay arrintaasi ay soo socotay ilaa xukuumaddii Riyaale “Waxaannu filaynay oo aannu u dooranay xukuumaddaasi in ay naga qabato dulmiga, caddaalad-darrada nalagu samaynaayo, taasi oo ah mid aanay Faqashtiina nagu samayn. Waxaannu madaxweynaha ka codsanaynaa haddii nalaga qaban waayo faragelinta Jiciir dalkaba waanu uga tagi,” ayey tidhi Marwo Sahra Muuse Jaamac oo ka mid ah haweenka hiliblayasha ah.

Dayib Cumar Kaahin, ayaa isagu sheegay in ay ka dhiidhiyeen culays lacag aanay qaadi karayn oo ay dulsaartay shirkadda Maandeeq, lacagtaas oo markii hore ay u haysteen in dawladdu ay ka qaado, laakiin ay sheegeen in ay markii dambe ogaadeen in ay ku xarooto jeebka Maayirka iyo shirkadda Maandeeq, waxaannu yidhi isagoo ka hadlaya; “Arrintaasi uu Jiciir ku xidhay guddoomiyahayagii inay tahay arrin kicin ah oo shacabka lagu kicinaayo, xadhigiisaasi waa mid ay sabab u tahay shirkad la yidhaahdo Maandeeq oo na saartay hanti aanaan qaadi karayn oo aannu markii  hore u haysanay in qaranka la siiyo,  haddana aannu ogaanay inay mid gaar loo leeyahay tahay. Hadda waxa soo baxday gaadiidki la lahaa dawladda hoose ayaa leh ee ay ku qornaayeen GT-gu in laga dhigo qaar gaar loo leeyahay oo laga beddelo lambarkii.

Shirkadaasi uu maamulo Maayirku isagay wada shaqayni ka dhaxayso, laakiin annaga wax wada shaqayni nagama dhaxayso, xagga magaca waxa ugu taala shirkada Qaliinka Maandeeq annagana waxba nooma qasho.

Kama hadli karno uuskaa ha nalaga hagaajiyo, neefka adhiga ahi waa lixkun iyo shanboqolkbaa nalaga qaada, neefka geellana waxa nalaga qaadana 62,500 oo shillin (laba iyo lixdan kun iyo shanboqol oo Somaliland shillin) ah calaa yoom ah, lo’adana waxa nalaga qaada 40,000 oo shillin (Afartan kun oo shillin),”  Masuuliyiinta iskaashatada Nafaqo ee halkaasi cabashadooda ka muujiyey oo aad u tirobadnaa, ayaa hadalada nuxurkoodu iskugu soo biyo-shubanaayey in uu maayirka caasimadu ku khasbaayo shirkadda Maandeeq oo ay sheegeen in aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxay iyagoo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in ay degdeg waxa ugala qabato  arrintaasi, iyagoo soo bandhigay dukumantiyo caddaynaaya maamulkooda iyo heshiisyada ay wada galeen shirkada Maandeeq ee ay kaga baxday.

Maaha markii ugu horreysay ee Maayirka caasimadda Hargeysa uu si ula kac ah xabsiga ugu taxaabo masuuliyiin ka mid ah ururrada bulshada, balse waa mid soo noqnoqonaysa, taasi oo aanay ilaa hadda xukuumada madaxweyne Siilaanyo wax isbedel ah ku samayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com